HomeWararGabdhihii Somali Kenyaatiga ee la sheegay inay ku biireen Daacish oo laga...

Gabdhihii Somali Kenyaatiga ee la sheegay inay ku biireen Daacish oo laga shaki qabo inay weli dhex joogaan Kenya

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Iyadoo dhowr maalmood ka hor la shaaciyey in laba gabdhooda oo ka soo jeeda Soomaalida Kenya inay ku biireen Dagaalyahannadda Daacish, ayaa waxay Boliska shaki geliyeen arrintaasi.

Raad-raac lagu sameeyey farriimihii  SMS-ka ay  soo direen ayaa waxaa lagu  ogaaday in laga soo diray Xaafadda Pangani ee magaalladda Nairobi.

Boliska waxay tilmaameen inay weli gabdhahaasi ku sugan yihiin gudaha Kenya, oo aysan u dhoofin dalka Syria, sida ay horey gabdhahaasi ugu andacoodeen.

Sarkaal ka tirsan Dembi-baarista Kenya oo codsaday inaan magaciisa la soo xiganin ayaa u sheegay Wargeyska News24 inay weli rumeysan yihiin inay gabdhaha weli ku sugan yihiin Kenya.

Labada gabdhood ee horey loo shaaciyey inay ku biireen Daacish ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Salwa Abdalla iyo Tawfiiqa Dahir, waxayna labadooda ahaayeen Arday dhigta Jaamacadda.

Mid ka mid ah Hooyooyinka dhalay gabdhahaasi oo lagu magacaabo Amina Dahir ayaa ku baaqday haddii ay weli ku sugan yihiin gudaha Kenya in la soo badbaadiyo, dibna loogu soo celiyo.

Xigasho: News24.com

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories