HomeWararAbdiweli Sheekh Axmed :- “Ku soo laabta Somalia, si aan u dhisno...

Abdiweli Sheekh Axmed :- “Ku soo laabta Somalia, si aan u dhisno Dimuqraadiyadda”

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Ra’isul-wasaarihii hore ee  Xukuumada Federalka Somalia, Abdiweli Sheekh Axmed  oo haatan booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa ugu baaqday Soomaalida ku nool dalkaasi inay ka qeyb galaan Dib-u-dhiska iyo Horumarinta dalka.

Isagga  oo la hadlayey Warbaahinta Seattle News & Information ayaa sheegay inuu la kulmi doono Qurbo-joogta Soomaalida  ku nool dalka Maraykanka, si uu ugu booriyo inay dib ugu soo laabtaan dalka hooyo, si ay Khibradooda ugu biiraan dib-u-dhiska Somalia.

“Qurbo-joogta Soomaalida Maraykanka waa inay aqoontooda uga faa’ideeyaan Ummadda Soomaaliyeed, lkoona baahan yahay taageeradooda” ayuu yiri Ea’isul-wasaarihii hore  oo hoosta ka xariiqay inay jiraan dad weli ka baqanayo ammaanka Somalia.

Abdiweli Sheekh Axmed  waxa uu tilmaamay inay isaga iyo  xubno kale dadaal ugu jiraan sidii Somalia looga hirgelin lahaa Isbedelka Dimuqraadiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan Somalia wax Doorasho Dimquraadi ah ka dhicin muddo 40-sannadood.

“Waxaan markii ugu horreysay ka shaqeynaynaa sidii ay Doorasho Dimqraadi ah uga dhici lahayd Somalia” ayuu yiri Ra’isul-wasaarihii hore oo intaas ku daray inay doorashaddu  fure muhiim u tahay Nidaamka Dimuqraadiyadda ee Somalia.

Abdiweli Sheekh Axmed   waxa uu tilmaamay haddii ay doorasho dhacayso inuu u bahaan yahay inay Soomaalida Maraykanka u codeeyaan, xitaa haddii uusan isagu ku jirin Doorashadaasi.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaarihii hore  waxa  uu ugu baaqay Jaalliyadda Soomaalida Maraykanka inay ka qeyb qaataan Dhismaha Nidaamka Dimuqraadiyadda ee Somalia, oo aysan sugin ilaa laga xalinayo dhibaatooyinka ka jira Somalia.

Raalli-gelin:- Waxaan idinka raalli-gelinaynaa inaan warkeenii hore si qalad ugu daabacnay inuu Ra’isul-wasaare Omar Abdirashid ahaa Mas’uul ugu baaqay Soomaalida Maraykanka inay dib ugu soo laabtaan dalka Hooyo.

Balse, Ra’isul-wasaarihii hore, Abdiweli Sheekh Axmed ayuu u ahaa Mas’uulkii jeediyey Baaqaasi. Waxa uu qaladka ka yimid ishii aan Warkan ka soo xigaanay, oo iyaguna dib—u-saxay qaladkaasi..

Xigasho: KUOW News and Information & 94.9 FM | Seattle News & Information

abdiweli 2 abdiweli

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories