HomeWararMilliteriga Ethiopia oo gudaha u galay Kenya, iyo Ciiddanka Kenya oo heegan...

Milliteriga Ethiopia oo gudaha u galay Kenya, iyo Ciiddanka Kenya oo heegan buuxa la geliyey

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Xiisad colaadeed ayaa waxaa laga soo sheegay inay ka dhex aloosan tahay Milliteriga dalalka Ethiopia iyo Kenya, kadib, markii ay Milliteriga Ethiopia gudaha u soo galeen xuduudka Kenya, lana wareegeen Saldhig Bolis.

Goobjoogayaal ayaa sheegay ku-dhawaad 50 ciiddamo Ethiopian oo aad u hubeysan, lana socday 10 Tekniko ah inay ka soo gudbeen xuduudka, isla markaana qabsadeen Saldhigga Boliska ee Illeret ee Gobalka Waqooyiga Horr

Ciiddanka Ethiopianka ayaa la sheegay inay 16-KM gudaha u galeen xuduudka Kenya, oo ay ka degeen goobo Istaraatijiyad leh.

Waa markii saddexaad oo ay Ciiddanka Ethiopianka gudaha u galaan xuduudka ay la wadaagaan Kenya.

Dhinaca kale,  Taliyaha Boliska ee Illeret ayaa xaqiijiyey inay Ciiddanka Ethiopia ka soo gudbeen xuduudka, wuxuuna xusay in ay 9  Sarkaal oo keliya ku sugan yihiin Saldhigga Boliska ee Illeret, isla markaana ay heegan sare ku jiraan.

Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Kenya, Kolonel David Obonyo ayaa sheegay inaysan ku baraarugsanayn dhacdadaasi.

Waxa uu tilmaamay inaysan haynin wax warbixin ah, isla markaana uusan filaynin inay ciiddanka Ethiopia wax qalad ah samayn doonaan, maadaama ay labada dal  xiriir soo-jireen ah lahayn.

Xigasho:- Daily Nation

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories