HomeWararMadaxweyne Obama oo dib u helay Twitterkiisa rasmiga

Madaxweyne Obama oo dib u helay Twitterkiisa rasmiga

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama ayaa sheegay inuu dib u hantay Cinwaankii rasmiga ee Twitterka, oo laga dhacay muddo hataan laga joogo 6 sanno.

Madaxweyne Obama waxa uu haatan si rasmi ah u isticmaala cinwaanka @POTUS oo laga soo gaabiyey President of the United States.

Hadal ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay inuu cinwaankaasi uu khaas u yahay Madaxweyne Obama.

Madaxweyne Obama waxa haatan dib loogu soo celiyey cinwaankiisa rasmiga oo ay burcadda jabsata Internetyadda ka dhaceen,

Inkastoo loo soo badbaadiyey Cinwaankiisii hore ee Twitterka, waxaa weli ka maqan cinwaankiisa Blackberry, oo qof aan la aqoonin uu weli isticmaalayo.

Saraakiisha Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka waxay sannado badan isticmaali jireen Twitter, si loogala xiriiro Siyaasadda Aqalka Cad iyo Munaasbaadaha shaqsiyadeed.

Madaxweyne Obama oo shalay dib ugu soo laabtay Twitterkiisa cusub ayaa waxa uu soo dhigay qoraalo kooban, oo ay ka mid ahaayeen:- “Hello, Twitter! It’s Barack. Really! Six years in, they’re finally giving me my own account.”

Obama waxa uu isticmaalaa iPhone u gaar ah Aqalka Cad marka uu dirayo qoraal Twitter ah, ma isticmaalo Mobaylkiisa Blackberry-ga ah.

Waxa uu bilowgii sannadkan sheegay inuusan jeclayn inuu isticmaalo Mobaylada duubista leh.

Madaxweyne Obama waxa  uu inta badan Twitterka ka gala cinwaanka @WhiteHouse, iyadoo uu leeyahay 6.2 million oo Taageerayaal “Followers” ah.

Waxaa kaloo uu isticmaalaa Twitter uu samaystay markii uu ku jiray Ololaha Doorashadda Madaxtinimadda ee @BarackObama, waxaana  cinwaankaasi ku darsaday dad ay tiradoodu dhan tahay 59 million oo qof.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories