HomeWararBan Ki-moon oo ka digay inay Somalia halaq-mareen ka dhigtaan Jihaadistayaasha

Ban Ki-moon oo ka digay inay Somalia halaq-mareen ka dhigtaan Jihaadistayaasha

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Xoghayaha Guud ee QM, ayaa hadalkaasi ku sheegay Warbixin cusub oo uu u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM, kuna sheegay in colaadaha ka aloosan dalka Yemen inay dhabahi u xaari karaan inay Jihaadistayaasha ka gudbaan Gacanka Cadmeed, una sii dusaan  dalka Somalia.

“Waxaa suurtogal ah in xiisadda dalka Yemen ay deganaansho la’aan ku sii kordhinayso  Gobalka, isla markaana ay jid-fur u tahay inay Dagaalamayaasha Jihaadistayaasha u soo gudbaan gudaha dalka Somalia” ayuu yiri Ban Ki-moon.

Ban Ki-moon waxa uu sheegay in Ammanka Somalia iyo Gobalkaba khatar ugu jiraan cabsida Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaasi ku daray inay Dagaalamayaasha Alshabaab sii wadaan weeraradda ay ku hayaan magaalladda Muqdisho, Goballadda Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab kordhiyeen dhaqdhaqaaqyadda hawlgalladda ay ka wadaan Maamul-gobaleedka Puntland, isla markaana ay bishii hore  weerareen Jaamacadda Garissa oo lagu dilay 148-qof.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu wadaa inay maanta Kulan Khaas ah ka yeeshaan  Warbixinta uu Ban Ki-moon ka diyaariyey Xaalladda Somalia iyo Khatarta ka dhalan karta dagaalladda ka socda Yemen.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan  Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa la filayaa inuu isagana khudbad ka jeediyo Shirka Golaha Ammaanka ee QM, wuxuuna shirkaasi kaga qeyb galayaa Nidaamka Muuqaalka  ee  Video Conference.

 

Xigasho:- AP

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories