HomeWararSirdoonka Somalia oo ku eedeeyey Carmalada Cad ee Britishka...

Sirdoonka Somalia oo ku eedeeyey Carmalada Cad ee Britishka weeraradii ay Alshabaab ku dileen boqolaal Kenyaati ah

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Carnaladda Cad ee dalka British ee  lagu magacaabo Samantha Lewthwaite oo ay Boliska Adduunka ee  INTERPOL baadi-goobayaan ayaa la sheegay inay ku lug leedahay weeraro ay Alshabaab ka geysteen dalka Kenya, laguna dilay in ka badan 400 oo qof. Sarkaal  Sare  oo ka tirsan Waaxda La-dagaalanka Kooxaha Argagixisadda ee Sirdoonka Somalia oo la hadlay Wargeyska […]

- Advertisement -

Carnaladda Cad ee dalka British ee  lagu magacaabo Samantha Lewthwaite oo ay Boliska Adduunka ee  INTERPOL baadi-goobayaan ayaa la sheegay inay ku lug leedahay weeraro ay Alshabaab ka geysteen dalka Kenya, laguna dilay in ka badan 400 oo qof.

Sarkaal  Sare  oo ka tirsan Waaxda La-dagaalanka Kooxaha Argagixisadda ee Sirdoonka Somalia oo la hadlay Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa magaalladda London ayaa ku tilmaamay Haweeneydaasi qof  Shaydaan ah, balse khibrad u leh  Hawlgalladda, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

“Marwadaasi marnaba ma seexato hal meel labo jeer, waqtiga oo dhan meel ayey u wareegtaa” ayuu yiri  Sarkaalkaasi oo intaasi ku daray inay si dirqi ah kaga baxsatay weerar ay Diyaarad Drones ay bishii March 12-dii  ka  geysatay meel ku dhow Degmadda Diinsoor.

Samantha Lewthwaite oo ah hooyo afar carruur leh ayaa la rumeysan yahay inay ku lug lahayd qorshihii bishii hore ee April 2-dii lagu weeraray Jamaacadda Garissa ee W/bari Kenya, laguna dilay 148 qof oo u badnaa arday.

Sarkaalka Sare ee ka tirsan Sirdoonka Somalia ee  maanta Wareysigiisa lagu soo daabacay Wargeyska The Mirror ayaa ku eedeeyey Carmalada Cad inay ahayd maskaxdii ka dambeysay Weerarkii bishii February ee sannadkan ka dhacay magaalladda Muqdisho, laguna dilay 25 qof.

- Advertisement -

Wargeyska waxa uu qoray inay falkaasi fulisay haweeney Somali ah oo  deganaansho British haysatay.

Taliye ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee dalka Kenya oo la hadlay Wargeyska The Mirror ayaa sheegay inay Carmalada Cad Xil Sare ka hayso Hoggaanka Alshabaab, oo ay tahay Gacanta Midi gee Hoggaamiyha Alshabaab, Ahmed Cumar, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Samantha Lewthwaite waxay soo islaantay bartamihii sannadihii 1990-aadkii, waxaana saygeedii hore  oo la oran jirey Jermayne Lindsay ka mid ahaa rag isku qarxiyey magaalladda London bishii July 7-dii e esannadkii 2005-tii, laguna dilay 52-qof.

Qaraxyaddii London kadib, waxay Samantha Lewthwaite u soo  baxsatay Somalia, kuna biirtay Alshabaab.

Xigasho:- The Mirror

Latest stories