HomeWararMadaxweynaha oo kulan la qaatay Hormuudyada Jaamacadaha

Madaxweynaha oo kulan la qaatay Hormuudyada Jaamacadaha

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hormuudyadda Jamaacadaha dalka gaar ahaan kuwa Muqdisho. Madaxweynaha oo kulanka ugu yeeray madaxda Jaamacadaha ayaa marka hore uga mahad-celiyey , ugana warbixiyey xaaladda guud ee dalka, ka dibna ka codsaday inay tallooyin ka siiyaan xaaladda dalka gaar ahaan Amniga, Xasilinta Siyaasadda iyo dib […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hormuudyadda Jamaacadaha dalka gaar ahaan kuwa Muqdisho.

Madaxweynaha oo kulanka ugu yeeray madaxda Jaamacadaha ayaa marka hore uga mahad-celiyey , ugana warbixiyey xaaladda guud ee dalka, ka dibna ka codsaday inay tallooyin ka siiyaan xaaladda dalka gaar ahaan Amniga, Xasilinta Siyaasadda iyo dib u dhiska dhaqaalaha dalka.

- Advertisement -

Madaxda jamacadaha oo kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyey tallooyin ku aadan soo jeedinta Madaxweyaha islamar-kaana Madaxweynaha uga mahad-celiyey sida uu talladda dalka uga qeyb gelinayo aqoonyahanadda iyo guud ahaanba bulshadda iyaga oo sheegay in kulankaan uu yahaykii ugu horreeyey ee uu Madaxweyne Soomaaliyeed la qaato hormuudyadda Jmaacadaha gaarka loo leeyahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday in dhammaan jamaacaduhu sameeyaan qeyb Tababarka mihnadaha, si loo soo saaro xirfadleey dib u dhiska dalka ka qeyb qaadata iyada oo ay arrinkaasi ka aqbaleen hormuudyadda Jmaacadaha ee uu kulanka la qaatay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in muhiim ay tahay in qof walba oo Soomaali ah uu helo waxbarasho heer wanaagsan, dowladduna ay ka shaqeyn doonto in la helo siyaasad qeexan oo ku aaddan horumarinta waxbarashada dalka

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in la joogteeyn doono lana ballaarin doono kulamada Madaxweynaha iyo Hormuudyadda Jamaacadaha dalka oo dhan.

- Advertisement -

Dhammaad.

For more information please contact:
Shador Haji Mohamud
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so

Jamacadaha6

Jamacadaha1

Jamacadaha7

Jmaacadah3

Jamacadaha7

Latest stories