HomeWararAlshabaab oo beenisay hadal uu Madaxweynaha Burundi ku sheegay inay weerar...

Alshabaab oo beenisay hadal uu Madaxweynaha Burundi ku sheegay inay weerar ku yihiin dalkiisa.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Afhayeenka Alshabaab, Sheekh Cali Mohamoud Raage ayaa beeniyey Eedeymaha uu Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ku sheegay inay Alshabaab qorsheynayaan qaraxyo ay ka geystaan dalkiisa.

Afhayeenka oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ee laga leeyahay dalka Britain ayaa beeniyey Eedeymahaasi, wuxuuna hadlak Madaxweynaha ku tilmaamay mid uu ku hosaasinayo Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Burundi.

“Waxaan filaynaa inay taasi tahay isku-day uu ku doonayo inuu ku niyad qaboojiyo dadkiisa oo waddooyinka u istaagan dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan  Maamulkiisa Keli Talisnimo” ayuu yiri Afhayeenka Alshabab.

Waxa uu intaasi ku daray  inuu Madaxweynaha Burundi uga dan leeyahay Eedeymaha uu ku sheegayo inay Alshabaab weerar ku soo yihiin dalkiisa si uu Beesha Caalamka uga weeciyo dareenka ay  ka qabaan Hoggaankiisa.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo uu Madaxweyne Pierre Nikuruziza shalay ka hadlay Muuqaalkii Video-ga ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku sheegeen inay weerari doonaan dalalka Uganda iyo Burundi

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay Alshabaab duullaan ku soo yihiin dalkiisa oo Kumanaan ciiddan ku biiriyey Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee AMISOM

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories