HomeWararDembi-baarayaasha Kenya oo soo bandhigay magaca nin lagu tuhunsan yahay dilkii...

Dembi-baarayaasha Kenya oo soo bandhigay magaca nin lagu tuhunsan yahay dilkii Haweeney Boliska u soo gudbin jirtey wararka Alshabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Boliska Kenya ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisadda ayaa soo bandhigay magaca nin  si weyn loogu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey dilka haweeney Wararka u geyn jirtey boliska oo Jimcihii la soo dhaafay lagu dilay Mombasa.

Eedeysanaha loo baadi-goobayo dilkaasi ayaa waxaa magaciisa  lagu  sheegay Ismaaciil Shoosi oo ay walaalo ahaayeen Nin la oran jirey Idiris Shoosi, kaasi oo ay Saraakiil Boliska sannadkii hore ku dileen Deegaanka Bondeni ee magaalladda Mombasa.

Hay’adda Sirdoonka Kenya ee National Intelligence Service (NIS( waxay ku tuhunsan yihiin in Eedeysanaha Ismaaciil Shoosi ka dambeeyey dilka haweeney la oran jirey Ruweyda Abdulmajiid oo  wararka u gudbin jirtey boliska Kenya.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay inuu Eedeysanahaasi ka baxsaday Boliska, kadib, markii ay Saraakiisha Boliska ku weerareen gurigiisa dilka haweeneydaasi kadib.

Eedeysanaha la baadigoobayo iyo Walaalkiisii la dilay ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen Alshabaab, laguna tuhunsan yahay inay horey u dileen  Dalxiisayaal u kala dhashay dalalka Jarmalka iyo Raashiya oo ku sugnaa magaalladda Mombasa.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories