HomeWararMaraykanka oo ka digay Socdaal lagu tago dalka Kenya cabsi laga...

Maraykanka oo ka digay Socdaal lagu tago dalka Kenya cabsi laga qabo weeraro ay Alshabaab ka geystaan dalkaasi

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa uga digtay Muwaadiniintooda  inay khatar dhinaca Safarka iyo Amniga kala kulmi karaa haddii ay safar ku tagaan dalka Kenya.

Digniintan cusub ayaa la sheegay in lagu beddelay Digniintii dhinaca Safarka Kenya ee la soo saaray bishii June 19-dii ee sannadkii hore ee ku aadanaa Xaalladda Ammaanka ee Kenya.

Muwaadiniinta Maraykanka ee haatan ku sugan gudaha Kenya iyo kuwa qorsheynaya inay safar ku tagaan looga digay inay tagaan goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan, sida Hoteeladda, Xeebaha loo dalxiis tago, Xarumaha Dukaamadda, Baararka, Bosteejooyinka laga raaco Basaska iyo goobaha  lagu cibaadaysto.

Waxaa kaloo lagula taliyey inay raacaan Taksiyadda sumadda muuqata leh, isla markaana ay aad isaga xiraan albaabadda iyo daaqadaha Hoteelladda ay deggan yihiin.

Qoraalka ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Marayknka waxaa kaloo uu ugu baaqay Muwaadiniintooda  inay ka feejignaadaan  cabsida laga qabo Kooxaha Argagixisadda iyo Deegaanadda kale ee ay ka  dhacaan dembiyadda qalalaasaha wata

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories