HomeWararTahriibayaal Somali iyo kuwa Afrikaan ah oo lagu qabtay xuduudka Maraykanka iyo...

Tahriibayaal Somali iyo kuwa Afrikaan ah oo lagu qabtay xuduudka Maraykanka iyo Mexico

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Tahriibayaal Somali iyo kuwo kale oo ka soo jeeda dalal Afrikaan ah ayaa lagu qabtay  meel u dhow Degmadda Victorville ee Gobalka California ee dalka Maraykanka.

Tahriibayaasha oo aan tiradooda la shaacinin ayaa waxay Maraykanka ka soo galeen Xuduudka Koonfureed ee Degmadda Victorville oo qiyaas ahaan 161 miles u jirta xuduudka dalka Mexico la wadaago dalka Maraykanka.

Saraakiisha Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka US Department of Homeland Security oo loo soo gaabiyo DHS ayaa la sheegay inay qabteen Baska ay la socdeen Tahriibayaasha ay Soomaali iyo kuwo kale ka mid ahaayeen.

Shabakadda Wararka ee  OpenYourEyesPeople.com ayaa soo bandhigay Video muujinaya Bas ay leeyihiin Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka (DHS) oo bishan May ahayd 7-da taagnaa Kaalin Shidaal, isla markaana ay Baskaasi ka buuxeen  Qaxooti Somali iyo kuwo kale oo Afrikaan ah.

Baskaasi oo ah nooca Safarka oo laga leeyahay Waaxda Ammaanka gudaha ee Maraykanka (DHS)ayaa waxaa si cad uga muuqday Calaamadda ama Loogadda DHS.

Dareewalka Baska waday ayaa la weydiiyey haddii uu wado Tahriibayaal sharci-darro ah waxa uu sheegay inay soo dhamaystireen Tahriibayaasha loo gudbinayo Xarumaha lagu hayo Soo-galootiga Sharci-darradda.

Dhinaca kale, 688  Soomaali Magangelyo-doonka ah  ayaa dalka Maraykanka galay inta u dhexeysay sannadihii 2004-tii ilaa 2013-kii.

Tahriibayaasha Soomaalida waxay socdaalkooda ka soo bilaabaan Geeska Afrika si ay u soo gaaraan dalka Maraykanka, waxayna Maraakiib kaga  soo gudbaan Badweynta Atlantic, kadibna waxay gaadiidka dhulka kaga soo gudbaan dalka Brazil ama Argentina, oo ay kaga sii gudbaan Bartamaha Qaaradda Latin America iyo Mexico ilaa Maraykanka.

Tiradda Guud ee Soomaalida ku nool dalka Maraykanka ayaa waxaa la sheegay inay gaarayaan 100,000 oo qof, oo badankooda ku nool Goballadda Minnesota, Ohio iyo Philadelphia.

Xigasho:- wnd.com

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories