HomeWararGabdho Somali British oo ka soo baxsaday Daacish oo loo hanjabay.

Gabdho Somali British oo ka soo baxsaday Daacish oo loo hanjabay.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wargeyska caanka ah ee dailymail ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maanta qoray in Gabdhaha Mataanaha ee Somali Britishka ee lagu kala magacaabo   oo bishii July ee sannadkii hore ka soo tegay magaalladda Manchestar ee dalka Britain ayaa ku  biiray Kooxda Daacish, waxaana halkaasi ku guursaday Rag ka tirsan Dagaalamayaasha Daacish, oo ugu dambeyntii […]

- Advertisement -

Wargeyska caanka ah ee dailymail ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maanta qoray in Gabdhaha Mataanaha ee Somali Britishka ee lagu kala magacaabo   oo bishii July ee sannadkii hore ka soo tegay magaalladda Manchestar ee dalka Britain ayaa ku  biiray Kooxda Daacish, waxaana halkaasi ku guursaday Rag ka tirsan Dagaalamayaasha Daacish, oo ugu dambeyntii lagu dilay dagaal.

Mataanayaasha oo lagu kala magacaabo Sahra Halane  iyo Salma Halane ayaa la sheegay inay bishan May 2-dii ka soo baxsadeen Degmadda Mosul ee Waqooyiga Iraq, halkaasi oo ay deegaan ka dhigteen.

- Advertisement -

Mataanayaasha oo 16 jirro ah ayaa la hadal-hayaa inay iyaga iyo gabar kale oo British ah oo horey ugu biirtay Kooxda Daacish ay ka soo baxsadeen Kooxda Daacish , isla markaana lagu rajo weyn yahay inay dib ugu soo laabtaan dalka Britain.

Gabdhahaasi ayaa la sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay u soo gaari lahaayeen xuduudka dalka Turkiga ama deegaanno kale oo ammaan ah oo ay Ciiddanka Kurdishka gacanta ku hayaan, si ay ugu fududaato inay dib ugu soo laabtaan dalka Britain.

Blogger  lagu magacaabo Indhihii Mosul “Mosul Eye” ayaa qoray inay Dagaalyahannadda Daacish baadi-goobayaan Gabdhahaasi, kuna goodiyeen inay dili doono haddii ay soo qabtaan Gabdhahaasi oo ay ka geeriyoodeen rag  ka tirsanaa Dagaalamayaasha Kooxda Daacish oo lagu dilay iska-horimaad..

- Advertisement -

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee dalka Britain, Theresa May ayaa sheegtay inaan Matanayaashaasi loo oggolaan doonin inay dib ugu soo laabtaan dalka Britain.

Theresa May oo la hadashay Barnaamijka Subax Wanaagsan Britain (Good morning Britain) ee Telefishinka ITV waxay kaloo sheegtay inay mid mid u eegayaan asaaska kiisaskooda iyo dad kasta oo dib u soo laabanayo.

Xigasho:-  Daily Mail

1 2 3 Mataanaha 3 theresa may

Latest stories