HomeWararDacwad-oogayaasha Maraykanka oo Teknoolajiyad casri ah u adeegsadanayo Soomaali qiratay inay ka...

Dacwad-oogayaasha Maraykanka oo Teknoolajiyad casri ah u adeegsadanayo Soomaali qiratay inay ka tirsan yihiin Alshabaab

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Farahaaga Waxaa Ku Jira Wax Aadan Ogayn

Dad badan ayaan waligood dareemin, balse faraha iyo suulasha dadka qaar waxaa ka baxa timo aad u yaryar oo khafiif ah. Maxay yihiin, maxaase sababa in dadka qaar ay yeeshaan kuwo badan?

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray Turkiga si loo xoojiyo iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray Ankara, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono saraakiil iyo mas'uuliyiin Turkish ah oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga difaaca,

Ciidanka Itoobiya oo baneeyay Buurhakaba, Soomaaliya oo la wareegtay amniga

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ayaa ka baxay magaalada Buurhakaba kadib ku dhawaad 12 sano, iyadoo amniga magaalada lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya.

Laba xildhibaan oo u tartamaya guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho – Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya...

Maxkamadda Brookleyn ee magaalladda New York ayaa la filayaa in bisha soo socoto  ee June 1-da la soo taago Saddex dhallinyarro Soomaali ah, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Mohamed Yusuf oo haysta dhalashadda dalka Sweden, Ali Yasin Ahmed iyo Mahdi Hashi. Dhallinyaradaasi oo ay da’oodu u dhexeyso 25 ilaa 32 jir ayaa waxaa lagu eedeynayaa […]

- Advertisement -

Maxkamadda Brookleyn ee magaalladda New York ayaa la filayaa in bisha soo socoto  ee June 1-da la soo taago Saddex dhallinyarro Soomaali ah, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Mohamed Yusuf oo haysta dhalashadda dalka Sweden, Ali Yasin Ahmed iyo Mahdi Hashi.

Dhallinyaradaasi oo ay da’oodu u dhexeyso 25 ilaa 32 jir ayaa waxaa lagu eedeynayaa inay ku biireen Alshabaab, , isla markaana ka barbar dagaalameen  dagaallo ka dhacay gudaha magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Maamulayaasha dalka Jabuuti ayaa la sheegay inay Eedeysanayaasha qabteen bishii November ee sannadkii 2012-kii, xilli ay doonayeen inay u dhoofaan dalka Yemen.

Waxaa kaloo la xiray Nin Mukhalas u ah iyaga, kaasi oo Eedeysanayaasha dejiyey hoy ay ku dhuuntaan, ka hor safarkooda dalka Yemen.

Saraakiil ka tirsan Hay’addaha Sirdoonka iyo Dembi-baarayaasha Maraykanka, ayaa loo soo gacan-geliyey saddexda Eedeysane, kuwaasi oo loo soo duuliyey magaalladda New York.

- Advertisement -

Dacwad-oogayaasha Maraykanka ayaa qorsheynaya inay dacwadaasi u adeegsadaan codad lagu duubay Teknoolajiyad casri ah oo qiraal u ah mid ka mid ah Saddex Eedeysane oo haatan ku xiran Xabsiyadda Maraykanka.

Teknoolajiyadaasi cusub ayaa lagu soo bandhigi doonaa Muuqaal  muujinaya inuu Eedeysane Mohamed Yusuf  yahay nin ku hadlayey Luqadda Swedishka oo ka soo muuqday Video ay Alshabaab soo bandhigeen.

Khabiir u dhashay dalka Swden oo ku takhausay Qiimeynta codadka ayaa lala kaashaday sidii la isku barbar dhigi lahaa Codka Eedeysanaha looga qabtay Telefoonkiisa oo lala socday iyo Codka isagoo ku hadlayo Luqadda Swedishka oo laga helay Muuqaal Video ah oo ay Alshabaab soo bandhigeen.

Baarayaasha Maraykanka waxay kaloo sheegeen inay Saddexda Eedeysane  qalab ku taageereen Alshabaab iyo inay tababar dagaalyahanimo ku soo qaateen Xeryaha Tababarka ee Alshabaab.

Dhinaca kale, Saddexda Eedeysane oo Talaadadii la soo dhaafay la soo taagay Maxkamadda  Federalka ee Degmadda Brookleyn ayaa qirtay inay galeen dembiyadda lagu soo oogay, waxaana la sheegay in qirashadooda darteeda  laga qafiifinayo xukunkii ay muteysan lahaayeen oo ahaa 30-sanno, waxaana  loogu bedeli doono min 15 sanno oo Xabsi ah.

 

 

Latest stories