HomeWararXukuumadda Maraykanka oo doonaysa in xabsi daa’in lagu xukmumo Buracd-baddeed Soomaali ah

Xukuumadda Maraykanka oo doonaysa in xabsi daa’in lagu xukmumo Buracd-baddeed Soomaali ah

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Maxkamadda Federalka ee magaalladda Richmomd ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka, waxaa goor dambe oo maanta ah la soo taagi doonaan shan burcad-baddeed Soomaali ah, kuwaasi oo ku eedeysan inay weerareen Markab Dagaal oo ay Maraykanka lahaayeen. Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay Markabkaasi ku qaldameen, iyagoo moodayey Markab Xamuul oo ay ka afduuban lahaayeen Xeebaha […]

- Advertisement -

Maxkamadda Federalka ee magaalladda Richmomd ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka, waxaa goor dambe oo maanta ah la soo taagi doonaan shan burcad-baddeed Soomaali ah, kuwaasi oo ku eedeysan inay weerareen Markab Dagaal oo ay Maraykanka lahaayeen.

Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay Markabkaasi ku qaldameen, iyagoo moodayey Markab Xamuul oo ay ka afduuban lahaayeen Xeebaha Somalia.

- Advertisement -

Saddex Garsoore  ayaa dhegeysan doonta dacwadda maanta la soo taagi doono Burcad-baddeedaasi.

Dacwad-oogayaasha ayaa ku eedeynayo in Garsoore Raymond Jackson qalad geli doono haddii uu xukmiyo in xabsi daa’inka tahay mid aan sharciga waafaqsanayn, isla markaana tahay ciqaab aan u qalmin kiiska loo haysto Burcad-baddeedaasi.

Eedeysanayaasha waxaa horey loogu xukumay xabsi u dhexeeya 30 snno ilaa 42-sanno doorkii ay ku lahaayeen weerarkii ay ku qaadeen Markabka Dagaalka Maraykanka ee USS Ashland sannadkii 2012-kii, xilli uu Markabkaasi marayey meel ka baxsan Xeebaha dalka Somalia.

- Advertisement -

Burcad-baddeeda waxay sheegeen inay ahaayeen Tahriibayaal, iyo inay xabbadda u rideen si ay Badmaaxiinta la socotay Markabka Dagaalka ee Maraykanka u soo gurmadaan.

 

Latest stories