HomeWararXukuumadda Federalka ooka hadashay xaalladda Tahriibayaasha Soomaalida

Xukuumadda Federalka ooka hadashay xaalladda Tahriibayaasha Soomaalida

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Xukuumadda Federalka Somalia,  Abdisalam Omar Hadliye ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirweyne  looga hadlayey Xaalladda Siyaasad, Gancsiga iyo Horumarinta ee dalalka Bariga Dhexe, kuwa Carabta iyo Caalamka, kaasi oo  ka dhacay Caasimadda dalka Qatar ee Doha. Wasiirka waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyey Dowladaha Talyaaniga iyo Malta oo uu sheegay inay […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Xukuumadda Federalka Somalia,  Abdisalam Omar Hadliye ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirweyne  looga hadlayey Xaalladda Siyaasad, Gancsiga iyo Horumarinta ee dalalka Bariga Dhexe, kuwa Carabta iyo Caalamka, kaasi oo  ka dhacay Caasimadda dalka Qatar ee Doha.

Wasiirka waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyey Dowladaha Talyaaniga iyo Malta oo uu sheegay inay Kharaj fara badan ku bixiyaan sidii loo badbaadin lahaa Tahriibayaasha Soomaalida ee ka soo baxsanayo Xag-jirnimadda iyo Dhaqaale-xumidda.

- Advertisement -

Wasiir Hadliye waxa u uqiray inay Dhallinyarradda Soomaalida soo wajahday Rajo la’aan, taasina ay kalliftay inay u soo tahriibaan dalalka Europe, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Xukuumadda Federalka ka shaqeynayso sidii loo xalin lahaa dhibaatadda Tahriibka.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Malta, Joseph Muscat  ayaa sheegay inuusan jirin hal xal  oo lagu badbaadin karo nolosha Tahriibayaasha doonyaha.

Dowladaha Midowga Europe, ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyin looga hortagayo kooxaha dadka ka soo tahriibiya Xeebaha dalka Libya, kadib, markii ay boqolaal Tahriibayaal ay ku jireen kuwa Somalia ay bishii hore ku le’deen Badda Mediterrean Sea.

Latest stories