HomeWararSomali Maraykan ku eedeysnaa inay ku biiri lahaayeen Daacish oo la amray...

Somali Maraykan ku eedeysnaa inay ku biiri lahaayeen Daacish oo la amray in Xabsiga lagu sii hayo

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Garsoore Michael Davis oo ka hawlgala Maxkamadda magaalladda Minneapolis ayaa ka hadlay dacwad loo haysto Shan dhallinyarro oo lagu eedeynayo inay qorsheynayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish. Garsooraha ayaa xukumay in Eedeysanayaasha kala ah:- Cadnaan Faarax, Zakarita C/raxmaan, Hanad Muuse iyo Guuleed Omar, lagu sii hayn doono Xabsiga ilaa laga maxkamadeynayo. Dhinaca kale, Wiil Somali […]

- Advertisement -

Garsoore Michael Davis oo ka hawlgala Maxkamadda magaalladda Minneapolis ayaa ka hadlay dacwad loo haysto Shan dhallinyarro oo lagu eedeynayo inay qorsheynayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish.

Garsooraha ayaa xukumay in Eedeysanayaasha kala ah:- Cadnaan Faarax, Zakarita C/raxmaan, Hanad Muuse iyo Guuleed Omar, lagu sii hayn doono Xabsiga ilaa laga maxkamadeynayo.

Dhinaca kale, Wiil Somali Maraykan ayaa qirtay inuu ku biiri lahaa Dagaalamayaasha Daacish.

Wiilkaasi oo lagu magacaabo Abdullahi Yusuf ayaa la sheegay inay bishii May ee sannadkii hore ay qabteen Saraakiisha FBI-da ee ka hawlgala Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Saint Paul ee magaalladda Minneapolis, xilligaasi oo uu raaci lahaa Diyaarad ku sii jeeday dalka Turkiga.

Eedeysanaha oo 18-jirsaday  bishii Janaayo waxaa maalintii Isniinta ee la soo dhaafay la soo taagay Maxkamadda, wuxuuna ka codsaday Maxkamadda in laga cafiyo dembigaasi.

Garsooraha Guud ee Maxkamadda, Michael Davis ayaa oggolaaday codsigaasi, taasi oo fududeynaysa inuu Eedeysanaha dib ugu mid noqdo Mujtamaca, si uu Dhallinyarradda kale uga wacyi-geliyo inaysan ku biirin Kooxaha Xag-jirayaasha.

Ma kala cadda sababta ku dhalisay inuu Eedeysanaha beddelo mowqifkiisa.

Wargeyska MPR News ayaa sheegay in Eedeysanaha oo bishii Janaayo ee sannadkan la soo taagay Maxkamadda la go’aamiyey in lugta looga xiro Qalabka GPS oo lagula soconayo hadba goobta uu joogo, waxaana laga mamnuucay inuu Mobayl ama Internetka Online ahaan u isticmaalo.

Eedeysanaha, Abdullahi Yusuf waxa uu arday ka ahaa Kolejka Inver Grove Community College.

 

Latest stories