HomeWararSarkaal ka tirsan Boliska Kenya iyo dagaalyahanno Alshabaab oo geeriyootay

Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya iyo dagaalyahanno Alshabaab oo geeriyootay

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhig ay Boliska ku leeyihiin meel u dhow Degmadda Garissa  ee W/bari dalka Kenya. Iska horimaadkaasi oo xalay dhacay ayaa la sheegay in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya iyo Labo dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab. Taliyaha Boliska ee Dhadhaab, Raphael Kimilu ayaa sheegay inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhig ay Boliska ku leeyihiin meel u dhow Degmadda Garissa  ee W/bari dalka Kenya.

Iska horimaadkaasi oo xalay dhacay ayaa la sheegay in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya iyo Labo dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab.

- Advertisement -

Taliyaha Boliska ee Dhadhaab, Raphael Kimilu ayaa sheegay inay Dagaalyahanno Alshabaab ah oo tiradoodu u dhexeysay 10 ilaa 15 qof ay xalay abaarihii 11:00 Fiidnimo soo weerareen Saldhigga Boliska ee Hamey Police Patrol Base oo ku yaalla meel ku dhow Xuduudka Somalia.

Waxa uu tilmaamay inuu dhacay dagaal xooggan, kaasi oo sababay geerida Sarkaal ka tirsan Boliska iyo Labo Dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab.

Dhinaca kale, Raphael Kimilu waxa uu tilmaamay inay Dagaalyahanaddii weerarka soo qaaday ka gudbeen xuduudka Somalia, isla markaana ay Boliska soo qaadeen maydadka Labada Dagaalyahan ee lagu dilay iska horimaadkaasi.

- Advertisement -

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Alshabaab weeraraan Deegaanka Haamaay, waxayna weerar ay soo qaadeen bishii May ee sannadkii hore halkaasi ku dileen Labo Macallim iyo dhowr Sarkaal oo ka tirsanaa Boliska Saldhigaasi.

Sidoo kale, waxay Alshabaab horey u weerareen Tuulladda Abdi Sugow oo 5 KM u jirta Deegaanka Damajaleey, oo lagu dilay Saraakiil Bolis.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts