HomeWararRag Soomaali-Swedish iyo mid kale oo qirtay inay ka tirsan yihiin Alshabaab

Rag Soomaali-Swedish iyo mid kale oo qirtay inay ka tirsan yihiin Alshabaab

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Saddex nin oo Somali ah, balse labo ka mid haystaan dhalashadda dalka Sweden ayaa shalay ka hor qirtay Maxkamadda magaalladda New York ee dalka Maraykanka inay taageeri jireen Alshabaab. Eedeysanayaashaasi oo in ka badan labo sanno ka hor ay Dembi-baarista Federalka Maraykanka (FBI) ka soo qabteen dalka Jabuuti ayaa lagu kala magacaabaa Mahdi Hashi iyo […]

- Advertisement -

Saddex nin oo Somali ah, balse labo ka mid haystaan dhalashadda dalka Sweden ayaa shalay ka hor qirtay Maxkamadda magaalladda New York ee dalka Maraykanka inay taageeri jireen Alshabaab.

Eedeysanayaashaasi oo in ka badan labo sanno ka hor ay Dembi-baarista Federalka Maraykanka (FBI) ka soo qabteen dalka Jabuuti ayaa lagu kala magacaabaa Mahdi Hashi iyo Mohamed Yusuf oo haysta dhalashadda Swedish iyo Ali Yasin Ahmed.

Dacwad-oogayaasha Maxkamadda Brookleyn ee magaalladda New York ayaa sheegay inay Eedeysanayaashaasi xubno ka ahaayeen Alshabaab muddadii u dhexeysay December ee sannadkii 2008-kii ilaa August 2012-kii.

Eedeysanayaasha Mahdi Hashi, Ali Yasin Ahmed oo haysta dhalashadda Swedish ayaa la sheegay inay xiriir dhow la lahaayeen Jihaadistihii Maraykanka ee Omar Hammaami oo loo yaqiinay Abu Mansuur Alamriiki, kaasi oo lagu dilay dagaal u dhexeeyey Alshabaab sannadkii 2013-kii.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay inay Eedeysanayaasha lagu qabtay dalka Jabuuti  bishii August ee sannadkii 2012-kii, iyagoo ku sii jeeday dalka Yemen.

Waxaana loo gacan-geliyey Hay’adda FBI-da bishii November ee isla sannadkaasi, kadibna waxaa loo soo duuliyey magaalladda New York, si loogu maxkamadeeyo.

- Advertisement -

Dacwad-oogayaasha Maraykanka, ayaa sheegay in Eedeysane Mohamed Yusuf ka soo muuqday Muuqaal Video ah oo ay Alshabaab baahiyeen, isagoo ku hadlaya Luqadda Swedishka, kuna baaqayey in laga qeyb qaato dagaalladda ay Alshabaab kula jirto Ciiddanka Dowladda Federalka iyo kuwa AMISOM.

Dacwad-oogayaasha waxay kaloo sheegeen inuu Eedeysanahaasi cabsi geliyey Farshaxniste horey u sawiray sawirro lagu aflagaadeeyey Nebigeenna Muxumad CSW.

Dhinaca kale, Eedeysanayaashaasi ayaa qirtay eedeymaha lagu soo oogay, waxayna muteysan doonaan xabsi min 15-sanno ah waxaana loo masaafurin doonaa dalka Sweden marka ay Xabsigooda ku dhamaystaan Xabsiyadda Maraykanka.

 

Latest stories