HomeWararMaraykanka oo shaaciyey inaysan waxba iska beddelin Siyaasadooda ku aadan dalka Somalia

Maraykanka oo shaaciyey inaysan waxba iska beddelin Siyaasadooda ku aadan dalka Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, Jeff Rathke ayaa ka hadlay Tallaabadii uu Madaxweyne Obama dib ugula laabtay magacaabistii Danjiraha Maraykanka ee Somalia, Katherine Simonds Dhanani, oo iyady sheegtay inay sababo u gaar ah isaga casishay xilkaasi. Go’aankeeda ayaa yimid dhowr maalmood kadib, markii uu Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanka, John Kerry uu bishan May […]

- Advertisement -

Afhayeenka Waaxda Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, Jeff Rathke ayaa ka hadlay Tallaabadii uu Madaxweyne Obama dib ugula laabtay magacaabistii Danjiraha Maraykanka ee Somalia, Katherine Simonds Dhanani, oo iyady sheegtay inay sababo u gaar ah isaga casishay xilkaasi.

Go’aankeeda ayaa yimid dhowr maalmood kadib, markii uu Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanka, John Kerry uu bishan May 5-dii  booqasho kedis ah ku yimid magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Afhayeenka Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka, waxa uu sheegay inaysan wax qlad ah lahayn tallaabadii uu Madaxweyne Obama uga laabtay magacaabistii Ambassador Katherine Simdons Dhananis.

“Waa go’aan ay qaadatay Ambassador Katherine Simonds Dhanani   sababo dhinaca qoyskeeda. Siyaasadeedeena Somalia isma beddelin, mana jiraan warar la xiriira arrintaasi” ayuu yiri Jeff Rathke, oo intaasi ku daray inuu go’aankaasi  yahay mid fudud oo sababo shaqsiyadeed ah.

Afhayeenka waxa kaloo uu tilmaamay inay weli xubno joogaan Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Nairobi, kuwaasi oo uu xusay inay ka wadaan hawlaha ku aadan Arrimaha dalka Somalia.

- Advertisement -

Afhayeenka waxa uu carrabka ku adkeeyey inaysan waxba iska beddelin Siyaasadda Maraykanka ee Arrimaha dalka Somalia iyo tallabooyinkii saxda ahaa ee uu ka hadlay Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry markii uu bilowgii bishan booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho.

John Kerry waxa uu ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalladda Muqdisho inaysan Dowladda Maraykanka weli waqti u cayimin si ay Diplomaasiyiintooda ugu sugnaadaan  gudaha Muqdisho.

Horey ayuu Madaxweyne Obama waxa uu  bishii February 25-dii ee sannadkan magacaabay Katherine Simonds Dhanani, iyadoo noqotay Danjirihii ugu horreeyey oo ay Maraykanka u soo diraan Somalia, tan iyo markii Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho albaabadda loo laabay sannadkii 1991-kii.

Latest stories