HomeWararNUSOJ oo ugu baaqday AMISOM inay wax ka beddelaan Qaabka ay u...

NUSOJ oo ugu baaqday AMISOM inay wax ka beddelaan Qaabka ay u baaraan Suxufiyiinta.

Date:

Related stories

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM inay wax ka bedelaan qaab baariseedka ah isticmaalka eeyaha ee ka dhanka ah Qalabka shaqo ee shaqaalaha Warbaahinta marka ay u casuumaan inay tebiyaan wararkooda, isla markaana ka fekeraan qaab baariseed ka duwan midka hadda la isticmaalo. Suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho ayaa maalintii Axadda ee […]

- Advertisement -

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM inay wax ka bedelaan qaab baariseedka ah isticmaalka eeyaha ee ka dhanka ah Qalabka shaqo ee shaqaalaha Warbaahinta marka ay u casuumaan inay tebiyaan wararkooda, isla markaana ka fekeraan qaab baariseed ka duwan midka hadda la isticmaalo.

Suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho ayaa maalintii Axadda ee la soo dhaafay isaga soo tegay  xaflad ay Midowga Yurub ku sameysanayeen Xalane, kadib markii lagu amray inay qalabkooda hoos geeyaan eeyo wax uriya, taasi oo laga yaabo in eyga dhareerkiisa uu gaaro qalabka, taasoo ay weriyayaashii ka biyo diideen.

- Advertisement -

Eeyaha iyo dhareerkooda ayaa ah “haran” ama Nijaaso diin ahaan iyo dhaqan ahaan, horeyna kaamirooyin la hoos geeyay lagu arkay dhareerkaas, sidaasi darteed, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqayaa ciidamada AMISOM inay xushmeeyaan dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana la yimaadaan hab/qalab baariseed casriya oo ay kaga kaaftoomi karaan isticmaalka eeyaha.

“Waan dareensanahay eeyaha loo isticmaalayo arrimo amni, balse waxaa la heli karaa hab baariseed casriya oo looga kaaftoomi karo isticmaalka eeyaha, iyadoo la xushmeynayo dhaqanka iyo diinta dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri, Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, “Waxaana ugu baaqeynaa inay wax ka bedelaan qaab baariseedkooda, si loo hagaajiyo xiriirka Warbaahinta iyo AMISOM.”

“Cabashada weriyayaasha ee arrintan waa ay soo noqnoqotay, waxaana lama huraan ah in xal deg deg ah laga gaaro, waxaana diyaar u nahay in aan idinkala shaqeyno qaabkii xal looga gaari lahaa, maadaama arrintu saameyneyso dhaqanka iyo diinta dalka, loogana baahan yahay AMISOM inay xushmeeyaan” ayuu ku daray  Xoghayaha Guud ee NUSOJ Md. Maxamed Ibrahim, “Waxa uuna uga mahadceliyey suxufiyiinta go’aanka midnimada ku jirto ee arrinkaa ka qaateen.”

- Advertisement -

Waa markii labaad ee suxufiyiinta ka howlgala Gobolka Banaadir ay ka soo laabtaan casuumaad AMISOM u fidisay.

Latest stories