HomeWararMadaxweynaha oo arrimaha dib u dhiska ciidammada Soomaaliya iyo Hiigsiga 2016 kala...

Madaxweynaha oo arrimaha dib u dhiska ciidammada Soomaaliya iyo Hiigsiga 2016 kala hadley danjireyaasha Britain iyo Sweden

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  si gooni gooni ah xafiiskiisa ugu qaabiley danjireyaasha Britain iyo Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mr Neil Wigan iyo Mikael Lindvall. Madaxweynaha ayaa danjiraha Britain kala hadley horumarka siyaasadeed ee dhowaan lagu talaabsadey, sida dhismaha guddiyada madaxa banaan ee Doorashooyinka, Xudduudaha iyo Federaalka, iyo weliba Adeegga Garsoorka, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  si gooni gooni ah xafiiskiisa ugu qaabiley danjireyaasha Britain iyo Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mr Neil Wigan iyo Mikael Lindvall.

Madaxweynaha ayaa danjiraha Britain kala hadley horumarka siyaasadeed ee dhowaan lagu talaabsadey, sida dhismaha guddiyada madaxa banaan ee Doorashooyinka, Xudduudaha iyo Federaalka, iyo weliba Adeegga Garsoorka, kuwaas oo uu sheegay inay dardargelin doonaan barnaamijyada Hiigsiga 2016.

- Advertisement -

Danjiraha Britain Mr Wigan ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey fariin uu uga sidey Ra’iisul Wasaare Mr David Cameron oo ah in Boqortooyada UK ay weli ku taagan tahay siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya oo ku saleysan iskaashi, taageero iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Mr Wigan ayaa sidoo kale sheegay in Britain ay dhaqaale ku taageereyso dhismaha iyo dib u dhiska Ciidammada Xooogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u tahay inay gacan taa la mid ah ka geysato dib u dhiska ciidammada booliska Soomaaliya.

Dhanka kale, kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la yeeshay Danjiraha Sweden, Mikael Lindvall, ayaa looga wadahadley horumarka dhanka siyaasadda ee Soomaaliya, hawlaha la xiriira dib u dhiska ciidammada iyo taageerada beesha caalamka siineyso Soomaaliya.

- Advertisement -

Danjire Lindvall ayaa soo dhoweeyay meelmarintii Golaha Wasiirrada Soomaaliye ee guddiyada madaxa banaan ee Doorashada, Adeegga Garsoorka iyo Xudduudaha, isagoo sheegay dowladdiisa ay gacan ka geysaneyso taageerada guddiyadaasi si ay hawlahooda habsami ugu fulaan.

–DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

IB0A7157

IB0A7254

IB0A7183

IB0A7236

IB0A7167

IB0A7175

Latest stories