HomeWararDiyaarad uu la socday Uhuru Kenyatta oo Hawada Somalia soo gashay iyo...

Diyaarad uu la socday Uhuru Kenyatta oo Hawada Somalia soo gashay iyo Ethiopianka oo weeciyey jihaddii Diyaaraddaas

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxayso  xurguf Diplomaasiyadeed oo soo kala dhex gashay Dowladaha Ethiopia iyo Kenya oo ku aadan sababihii kallifay in Diyaarad waday Madaxweyne Uhuru Kenyatta dib looga celiyo Hawada Ethiopia. Wargeyska The Standard Media ayaa qoray in la ogaaday inay Hay’adda Duulista hawada ee Ethiopia kula talisay Duuliyaha Diyaaraddii waday Uhuru […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxayso  xurguf Diplomaasiyadeed oo soo kala dhex gashay Dowladaha Ethiopia iyo Kenya oo ku aadan sababihii kallifay in Diyaarad waday Madaxweyne Uhuru Kenyatta dib looga celiyo Hawada Ethiopia.

Wargeyska The Standard Media ayaa qoray in la ogaaday inay Hay’adda Duulista hawada ee Ethiopia kula talisay Duuliyaha Diyaaraddii waday Uhuru Kenyatta inuu bedelo Khadka Hawada ee uu ku duulayey, si aysan Diyaaradda u gelin Hawada dalka Yemen oo ay Diyaaradaha Dagaalka ee Isbahaysiga Sacuudiga ka digeen inaysan Diyaaradaha Rayidka adeegsanin.

- Advertisement -

Diyaaradda Madaxweyne Uhuru la socday ayaa la sheegay inay mar kale  u weecatay Hawada Somalia, kadib, markii ay Saraakiisha Waaxda Duullista Hawada ee Ethiopia cosadeen in la beddelo Jihadda Duullimaadka.

Diyaaradda ayaa soo gashay Hawada Somalia,  ka hor intaysan dib ugu  laabanin Garoonka Jomo Kenyatta International Airport  ee magaalladda Nairobi oo ay Diyaaradda markii hore ka soo duushay.

Diyaaradaasi ayaa la sheegay inay Hawada ku jirtay muddo 4 saacadood, iyadoo saacadiiba jaraysay masaafo dhan 800 oo KM.

- Advertisement -

Duulliyaha ayaa la sheegay inay ku adkaatay inuu helo Khad Duullimaad oo toos uu ku tegi lahaa dalka Imaaraadka Carabta, si uu  Madaxweyne Uhuru Kenyatta uga sii raaco Diyaarad kale oo ku sii jeeday dalka Maraykanka.

Wararka qaarkood ayaa sheegay inay Diyaaradda la soo gudboonaatay cillad farsamo, oo khatar gelin lahayd nolosha Uhuru Kenyatta.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee  Kenya ayaa u yeertay  Safiirka Ethiopia uga wakiilka ah Kenya, Dini Mufti,waxayna  u gudbiyeen qoraal cabasho ah oo ku aadan arrintaasi.

Horey, waxay Dowladda Kenya cabashada noocaasi u gudbiyeen Safiirka Eritrea u jooga Nairobi, kaasi oo iska fogeeyey inay Dowladiisa u diiday Diyaaraddii waday Uhuru Kenyatta inay dulmarto Hawada dalkiisa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts