HomeWararDanjirihii ay Maraykanka u soo magacowday Somalia rubuc qarni kadib, oo...

Danjirihii ay Maraykanka u soo magacowday Somalia rubuc qarni kadib, oo is-casishay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa shaaciyey in Danjirihii ay u so omagacaabeen Somalia ku-dhawaad 25-sanno kadib ay iskooda u go’aansatay inay iska casisho xilkaasi. Katherine Simonds Dhanani oo ah Danjiraha iska casishay magacaabiistii Madaxweyne Obama u magacaabay inay noqoto Danjiraha Maraykanka uga wakiilka ah dalka Somalia, ayaa ah Diplomaasiyad khibrad leh, isla […]

- Advertisement -

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa shaaciyey in Danjirihii ay u so omagacaabeen Somalia ku-dhawaad 25-sanno kadib ay iskooda u go’aansatay inay iska casisho xilkaasi.

Katherine Simonds Dhanani oo ah Danjiraha iska casishay magacaabiistii Madaxweyne Obama u magacaabay inay noqoto Danjiraha Maraykanka uga wakiilka ah dalka Somalia, ayaa ah Diplomaasiyad khibrad leh, isla markaana ka soo shaqeysay dalal badan oo Afrikaan ah.

- Advertisement -

Katherine Simonds waxay sheegtay inay sababo shaqsiyadeed isaga casishay Xilkii Safiirnimo ee loo magacaabay.

Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa qorsheynaysay hawlgelinta Ambassador Katherine Simonds Dhanani, waxaana Mudanayaasha Aqalka Senedka Maraykanka laga sugayey inay u codeeyaan magacaabista Xilkeeda Danjirenimo.

Ambassador Katherine Simonds Dhanani oo xilkaasi loo magacaabay bishii Febriary ee sannadkan waxay sababo dhinaca ammaanka awgiisa u imaan weyday magaalladda Muqdisho, iyadoo ka hawlgeli jirtey Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo aan fasax u haysanin inuu Saxaafadda la hadlo ayaa si hoose u sheegay in Madaxweyne Obama laga war dhowrayo, si uu Danjire kale ugu soo magacaabo dalka Somalia.

Safaaraddii ay dowladda Maraykanka ku lahaayeen magaalladda Muqdisho ayaa la xiray sannadkii 1991-kii, burburkii Dowladdii Kacaanka kadib.

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka ayaa dib u soo celisay Xiriirkii Diplomaasiyadeed ee ay la lahayd Somalia, waxayna aqoonsadeen Dowladda Federalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Latest stories