HomeWararMadaxweynaha: ‘’Midnimada reer Yurub waxan ka baran karnaa cashar aan dalkeenna xasilooni...

Madaxweynaha: ‘’Midnimada reer Yurub waxan ka baran karnaa cashar aan dalkeenna xasilooni iyo nabad waarta uga dhalin karno’’

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeybgaley xuska sannadguuradii 65-aad ee Maalinta Qaaradda Yurub oo ku beegan markii uu soo baxay qaraarkii waddamada Midowga Yurub ay ku go’aansadeen inay colaadaha kaga hortagaan. Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen xubnaha labada gole, Madaxweynaha Maamulka KMG ee Koonfuur Galbeed Soomaaliya, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeybgaley xuska sannadguuradii 65-aad ee Maalinta Qaaradda Yurub oo ku beegan markii uu soo baxay qaraarkii waddamada Midowga Yurub ay ku go’aansadeen inay colaadaha kaga hortagaan.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen xubnaha labada gole, Madaxweynaha Maamulka KMG ee Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, diblomaasiyiin, Saraakiisha AMISOM, Qaramada Midoobay iyo kuwo kale, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ka jeediyey khudbad uu ku cabbirayo muhimadda maalintan iyo sida Soomaaliya ay uga faa’ideysan karto waayihii la soo marey.

- Advertisement -

“Maanta waa maalin aad u weyn oo qiimo badan. 65 sano ka hor Yurub waxay go’aansatey in ay midowdo ayna ka dhabeyso riyo aaney markaas u muuqan in ay hirgeli karto oo ah nabad ku wada noolaasho iyo ka shaqeynta horumarka. Tallaabadaasi cashar ayay u tahay dunida oo dhan, gaar ahaanna marka la eego xaaladda ka jirta dalkeena Soomaaliya, waxaan filayaa in aan wax badan oo dhinaca xasilinta iyo horumarka ah aan kaga dayan karno.’’

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo dhanka kalena ka codsadey waddamada Midowga Yurub in kaalmada ay siinayaan Soomaaliya ay muhimadda koowaad siiyaan dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, si wax soo saarka Soomaaliya suuqyo loogu helo, markaasna ay qeyb ka qaadato kobaca dhaqaalaha dalka.

Munaasabadda waxaa kale oo ka hadley Wakiilka Midoga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso oo si weyn u bogaadiyey horumarka ay Soomaaliya ka sameysey dhinacyada siyaasadda, amniga, hirgelinta nidaamka Federaalka iyo arrimo kale.

- Advertisement -

Isla goobtaasi waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku saxiixey heshiis ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

–DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

IB0A6934

IB0A6829

IB0A6992

IB0A7004

IB0A6984

IB0A7084

facebook twitter

Latest stories