HomeWararEedeysanayaal Somali Maraykan ah oo mar kale la soo taagi doona Maxkamad

Eedeysanayaal Somali Maraykan ah oo mar kale la soo taagi doona Maxkamad

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Lix dhallinyarro Somali Maraykan ah oo lagu eedeynayso inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish ayaa la filayaa in mar kale berrito la soo taago Maxkamadda Federalka ee magaalladda Minneapolis. Dhegeysiga Dacwadda ayaa lagu eegi doonaan haddii  afar ka mid ah Eedeysanayaasha dib loo dhigayo dacwadooda iyo in  lagu sii haynayo Xabsiga. Labo Eedeysane oo iyaga […]

- Advertisement -

Lix dhallinyarro Somali Maraykan ah oo lagu eedeynayso inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish ayaa la filayaa in mar kale berrito la soo taago Maxkamadda Federalka ee magaalladda Minneapolis.

Dhegeysiga Dacwadda ayaa lagu eegi doonaan haddii  afar ka mid ah Eedeysanayaasha dib loo dhigayo dacwadooda iyo in  lagu sii haynayo Xabsiga.

- Advertisement -

Labo Eedeysane oo iyaga lagu xiray Gobalka California ayaa la filayaa in iyagana maanta loo soo gudbiyo magaalladda Minneapolis, si Eedeysanayaasha oo idil hal mar loo soo taagi lahaa Maxkamadda.

Hadal ka soo baxay Dacwad-oogayaasha ayaa lagu sheegay inay Maxkamadda ka soo hor muuqan doono Markhaati muhiim ah, kaasi oo saaxiib hore la ahaa Eedeysanayaasha, kaasi oo Hay’adda FBI-da wararka u geeya.

Jaalliyadda Soomaalida ku nool Gobalka Minnesota, ayaa ka carootay  wararka sheegaya inay Hay’adda FBI-da kharaj uu adeegsatay in la soo basaaso Eedeysanayaashaasi.

- Advertisement -

Warar ayaa sheegaya in Ninka ay FBI-da u adeegsatay inuu u soo basaaso Eedeysanayaasha la siiyey lacag dhan 12,000 oo Dollar, kadib, markii uu soo gudbiyey codad muujinaya qorshaha Dhallinyaradaasi ugu biiri lahaayeen Dagaalyahannadda Kooxda Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka Syria.

Dhinaca kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, Andy Luger ayaa difaacay Kiisaska Federalka iyo in dadka wararka u gudbiya FBI-da la siiyo lacago abaalmarin ah.

Latest stories