HomeWararDowladda Federalka oo u yeertay Odayaal-beeleed sifo qaldan uga qeyb gelayey Shirka...

Dowladda Federalka oo u yeertay Odayaal-beeleed sifo qaldan uga qeyb gelayey Shirka MaamuL-u-samaynta Goballadda Dhexe

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Waxaa magaalladda Muqdisho dib ugu soo laabtay Guddi Odayaal ah oo uu hoggaaminayey Maxamed Cabdi Shiddo, kuwaasi oo sifo aan sharciyeysnayn ku doonayey inay ku matalaan Odayaasha Beesha Wacayle.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Idaacadda Dalsan Radio inay Dowladda Federalka u yeertay Odayaashaasi, si ay ula yeeshaan Wada Tashiyo dheraad ah.

Guddigaasi ayaa waxa la sheegay inay doonayeen  inay feer ordaan  Guddiga Rasmiga ee Odayaasha Beesha Wacaysle oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalka ee Xukuumadda Federalka Somalia magacowday.

Guddiga Odayaasha Beesha Wacayle ee loo idmay Ka-qeybgalka Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe, waxaa madax u ah Caaqil C/llaahi Geeddi Shadoor, waxaa kaloo  xubno ka ah wakiillo matalaya Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Aqoonyahannadda, Culumaa’udiinka iyo Ururradda Bulshadda ee Beesha Wacaysle, oo ka mid ah Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe.

Dhinaca kale, War Saxaafadeed ay Beesha Wacaysle soo saareen isbuucii hore ayaa lagu xusay inay Kalsoonida kala laabteen Guddiga Darsamadda ee Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe ee haatan ka socda Degmadda Cadaado ee Gobalka Galgaduud.

Waxay Beesha Wacaysle u cuskadeen arrintaasi iyadoo la  ogsonyahay inaan guddigaasi lagu soo xulin rabitaanka iyo kalsonida Beelaha balse ay ahayeen xubno ay Dowladu iskeed u  soo magacaabatay.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories