HomeWararXeer Ilaaliyaha Maraykanka iyo Saraakiisha FBI-da oo la kulmi doona Jaalliyadda Soomaalida...

Xeer Ilaaliyaha Maraykanka iyo Saraakiisha FBI-da oo la kulmi doona Jaalliyadda Soomaalida Maraykanka

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Kulankii ugu horreeyey oo ay abid isku soo hor fariistaan Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, Andy Luger iyo Saraakiil ka tirsan Waaxda Dembi-baarista Federalka ee FBI ayaa lagu wadaa inuu caawa ka dhaco Xarunta Bulshadda ee The Phillips Community Center ee Waqooyiga magaalladda Minneapolis. Qabanqaabiyaha Shirkaasi oo lagu magacaabo Sadiiq Warfaa ayaa sheegay inay Jaalliyadda Soomaali […]

- Advertisement -

Kulankii ugu horreeyey oo ay abid isku soo hor fariistaan Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, Andy Luger iyo Saraakiil ka tirsan Waaxda Dembi-baarista Federalka ee FBI ayaa lagu wadaa inuu caawa ka dhaco Xarunta Bulshadda ee The Phillips Community Center ee Waqooyiga magaalladda Minneapolis.

Qabanqaabiyaha Shirkaasi oo lagu magacaabo Sadiiq Warfaa ayaa sheegay inay Jaalliyadda Soomaali Maraykanka cambaareynayaan falalka Argagixisadda, inkastoo weli laga walaacsan yahay sida ay Dowladda Maraykanka tooshka ugu ifinayaan inay Dhallinyarradda ku lug leeyihiin Argagixisadda.

- Advertisement -

Waxa uu xusay inay  Dowladda kharaj siiyaan dadka wararka u keena, si ay baaritaano ugu sameeyaan dadka lagu raad-joogo.

Sadiiq Warfaa oo madax Ka ah Ururka Global Somali Diaspora, ayaa sheegay in Shirka ay la yeelan doonaan Xeer-ilaaliyaha Maraykanka iyo Saraakiil ka socota Hay’adda FBI-da looga dan leeyahay dadaal lagu dhisayo xiriir rajo wanaagsan leh.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Xeer Ilaaliyaha Maraykanka, ayaa sheegay inuusan Mas’uulkaasi  ka hadli doonin arrimo ku saabsan Argxgisadda marka uu caawa la kulmo Wakiilo ka socda Jaalliyadda Soomaalida Maraykanka ku nool magaallooyinka mataanaha.

- Advertisement -

Kulankaasi ayaa ku soo beegmayo iyadoo 6 dhallinyarro Somali Maraykan ah u xiran yihiin eedeymo la xiriira inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

Latest stories