HomeWararTobaneeyo ka tirsan Culumaa’udiinka Tabliiqa oo lagu xiray Kenya

Tobaneeyo ka tirsan Culumaa’udiinka Tabliiqa oo lagu xiray Kenya

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Boliska Kenya ee ku sugan Deegaanka Marsabit ayaa sheegay inay xireen 16 dhallinyarro  ku sugnaa Masjid, kuwaasi oo ah Culumadda Tabliiqa. Ciiddan hubeysan ayaa isku gedaamay Masjidka ay Tabliiqa ku sugnaayeen oo ku yaalla Xaafadda Daku ee Degaankaasi. Boliska ayaa sheegay in lagu soo wargeliyey in dhallinyarro laga shakiyey ay muddo dhowr habeen ah ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Boliska Kenya ee ku sugan Deegaanka Marsabit ayaa sheegay inay xireen 16 dhallinyarro  ku sugnaa Masjid, kuwaasi oo ah Culumadda Tabliiqa.

Ciiddan hubeysan ayaa isku gedaamay Masjidka ay Tabliiqa ku sugnaayeen oo ku yaalla Xaafadda Daku ee Degaankaasi.

- Advertisement -

Boliska ayaa sheegay in lagu soo wargeliyey in dhallinyarro laga shakiyey ay muddo dhowr habeen ah ku sugnaayeen Masjidkaasi oo ay cuntana ku karsadaan.

Saraakiisha boliska waxay la wareegeen Laptopyo, Mobaylo, Shandado, Furshaanta Jiifka  iyo cunto ay wateen Culumadaas Tabliiqa ah.

Dhinaca kale, Mid ka mid ah Muslimiinta Kenya ee ku cibaadeysata Masjidka lagala baxay Culumadaasi, ayaa sheegay inay Culumadaasi faafinayeen Dacwadda Diinta Islaamka, isla markaana aysan wax lug ah ku lahayn kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

- Advertisement -

Lix iyo tobanka Tabliiq ee la xiray ayaa la sheegay inay socod Wacyi-gelin iyo Diin Faafin ku soo mareen Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi iyo Degmooyinka Sololo, Moyaale, Isiyoolo iyo Marsabit.

Wararka ugu  dambeeyey ee aynu ka helnay Xaalladda Culumadda Tabliiqa ayaa xaqiijiyey in lagu wareejiyo Saraakiisha Waaxda Boliska Kenya ugu qaabilsan La’dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda (The Anti-Terrorism Police Unit (ATPU)

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts