HomeWararMadaxweynaha dalka Jabuuti oo ka hadlay dagaalladda Yemen iyo Saldhigga Milliteri ee...

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo ka hadlay dagaalladda Yemen iyo Saldhigga Milliteri ee ay Shiinaha doonayaan

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxweyne Ismail Omar Gelle ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu maanta siiyey Wakaalladda Wararka ee AFP, wuxuuna xusay inay  dagaalladda Yemen saamayn ku yeesheen Deganaanshaha Gacanka Carbeed. Waxa uu xusay inay xuduudaha Jabuuti u furan yihiin Qaxootiga ka soo cararayo dagaalladda Yemen. Sidoo kale, waxa uu soo dhaweeyey duqeynta ay Isbahaysiga Yemen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne Ismail Omar Gelle ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu maanta siiyey Wakaalladda Wararka ee AFP, wuxuuna xusay inay  dagaalladda Yemen saamayn ku yeesheen Deganaanshaha Gacanka Carbeed.

Waxa uu xusay inay xuduudaha Jabuuti u furan yihiin Qaxootiga ka soo cararayo dagaalladda Yemen.

- Advertisement -

Sidoo kale, waxa uu soo dhaweeyey duqeynta ay Isbahaysiga Yemen ku hayaan Xuutiyiinta, isagoo xusay inay duqeyntaasi lama huraan ahayd.

Madaxweyne Ismail omar Gelle oo 67-jir ah waxa uu ka digay dagaalladda u dhexeeya Shiicadda iyi Suniyiinta ku wada nool dalka Yemen, wuxuuna xusay inay dadka Shiicadda bartilmaameed u noqdeen duqeynta Isbahaysiga Sacuudiga iyo Dagaalamayaasha Alqaacidada Gacanka Carbeed ee AQAB.

Dhinaca kale, waxa uu xusay inay Shiinaha saldhig ka samaysan doonaan Jabuuti, si ay ilaaliyaan Danaha iyo Maraakiibtooda adeegsata Gacan-biyoodka Cadmeed.

- Advertisement -

Madaxweyne Gelle oo dalka Jabuuti xukumayey muddo 16-sanno ah ayaa sheegay inuusan weli go’aan ka gaarin inuu mar afaraad isku soo taago doorashadda sannadka soo socda ka dhici doono dalkiisa.

 

 

Source:- AFP

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts