HomeWararHay’addaha Ammaanka Kenya oo ka digay weeraro ay Alshabaab ka fuliyaan dalkaasi

Hay’addaha Ammaanka Kenya oo ka digay weeraro ay Alshabaab ka fuliyaan dalkaasi

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Hay’addaha Ammaanka ee Kenya ayaa la geliyey Feejignaan Sare, kadib, markii warar dhinaca Sirdoonka lagu sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab qorsheynayaan sidii ay Bambooyin lagu soo qariyey Shandadaha Safarka u soo gelin lahaayeen gudaha dalka Kenya. Sida lagu soo daabacay Wargeyska Daily Nation waxay Hay’addaha Ammaanka soo bandhigeen Sawir Nin lala xiririinayo Alshabaab, oo lagu magacaabo […]

- Advertisement -

Hay’addaha Ammaanka ee Kenya ayaa la geliyey Feejignaan Sare, kadib, markii warar dhinaca Sirdoonka lagu sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab qorsheynayaan sidii ay Bambooyin lagu soo qariyey Shandadaha Safarka u soo gelin lahaayeen gudaha dalka Kenya.

Sida lagu soo daabacay Wargeyska Daily Nation waxay Hay’addaha Ammaanka soo bandhigeen Sawir Nin lala xiririinayo Alshabaab, oo lagu magacaabo Mustaf Ismail Hashi,  kaasi oo la sheegay in ay Bolis dhar cad ah ku qabteen Bas ay ku joojiyeen Deegaanka Makongeni ee Gobalka Thika.

- Advertisement -

la helay warbixin uu kaga hadlay sidii  bambooyinka shandadaha lagu soo qariyey loo soo gelin lahaa gudaha Kenya.

Warbixinta Hay’adda sirdoonka Kenya ayaa lagu xusay inay Alshabaab xeellad cusub u adeegsanayso sidii ay Kenya ku soo gelin lahaayeen waxyaabaha qarxa, waxaana Boliska iyo Gaadiidleyda looga digay inay taxadir ka qabaan Shandadaha ay wataan dadka ka soo gudbay xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.

Mustaf Ismail Hashi,  ayaa la sheegay inay saaxiib dhow yihiin Nin lagu magacaabo Ahmed Mohamed Abdullahi, kaasi oo ay bishii Maarso ee la soo dhaafay ay Boliska ka soo qabteen isagoo la socday Bas ka soo ambabaxay Degmadda Mandera, kuna soo jeeday magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

Boliska ayaa sheegay inay Ninkaasi ku qabteen Shandad ay ka buuxeen waxyaabah qarxa.

Warbixinta ayaa lagu xusay inay bambooyinka la qabtay oo ka koobnaa maadooyinka RDX iyo TNT ee laga farsameeyo waxyaabaha qarxa ay shan jeer ka awood badan yihiin qaraxii loo adeegsaday Safaaradda Maraykanka ee Nairobi sannadkii 1998-dii.

Dhinaca kale, Sirdoonka Kenya waxy rumeysan yihiin in labada nin ee la qabtay ee Mustaf Ismail Hashi iyo Ahmed Mohamed Abdullahi la rumeysan yahay inay fulinayeen amar uu horey u siiyey Taliyihii Amniyaadka ee Alshabaab, Aadan Garaar oo lagu dilay duqeyn ka dhacday K/galbed Somalia.

Xigasho:- Daily Nation

Latest stories