HomeWararDagaalyahanno Alshabaab oo la sheegay inay gaari Qaad waday ka soo qafaasheen...

Dagaalyahanno Alshabaab oo la sheegay inay gaari Qaad waday ka soo qafaasheen gudaha dalka Kenya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Gaari nooca dusha furan ee Pick Up ayaa la sheegay inay Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab saakayto ka qafaasheen Deegaanka Mandheera Lafey. Gaarigaas oo ka yimid Deegaanka Meru kuna sii jeeday Degmadda Mandera ayey Alshabaab soo qafasheen, waxayna kala soo gudbeen xuduudka Kenya la wadaagto Somalia. Madaxa Ammaanka ee Degmadda Mandera, Alex Ole Nkoya ayaa xaqiijiyey […]

- Advertisement -

Gaari nooca dusha furan ee Pick Up ayaa la sheegay inay Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab saakayto ka qafaasheen Deegaanka Mandheera Lafey.

Gaarigaas oo ka yimid Deegaanka Meru kuna sii jeeday Degmadda Mandera ayey Alshabaab soo qafasheen, waxayna kala soo gudbeen xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.

- Advertisement -

Madaxa Ammaanka ee Degmadda Mandera, Alex Ole Nkoya ayaa xaqiijiyey in gaarigaasi la afduubtay abaarihii 7-dii aroornimo ee saakayto.

Mas’uulkaasi ayaa sheegay in gaarigaasi uu dhiiqo ku galay Deegaanka Fino, balse ay Dagaalyahannadda Alshabaab joojiyeen gaari bas, iyagoo rakaabkii ku khasbay inay gaariga ka saaraan dhiiqada., kadibna ay dagaalyahannadda gaariga ula soo baxsadeen dhinaca xuduudka Somalia.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ganacsatadda Qaadka ee Degmmadda Mandera, Mohamed Abdi ayaa Boliska ku wargeliyey in gaarigaasi laga qafaashay Xarunta Ganacsiga ee Deegaanka Fino.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Dagaalyahannadda Alshabaab la baxsadeen gaariga iyo qaad culayskiisu dhamaa 2,000 oo Kiilo iyo lacag caddaan ah oo dhamayd 400,000 oo Kenya Shillings.

Halkii Kiilo oo qaadka waxaa Degmadda Mdnera  jumlo ahaan  lagu iibiyaa 200 Kenya Shillings, iyadoo Tafaariiq ahaan halkii kilo loo iibiyo 300 Kenya Shillings.

Xigasho:- Daily Nation

Latest stories