HomeWararHaween lagu eedeeyey inay ku biiri lahaayeen Alshabaab oo beeniyey eedaasi

Haween lagu eedeeyey inay ku biiri lahaayeen Alshabaab oo beeniyey eedaasi

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Magaalladda Mombasa ee dalka Kenya waxaa shalay la soo taagay afar gabdhood oo la soo qabtay iyagoo qorsheynayey inay u soo safraan Somalia, si ay ugu biiraan Alshabaab.

Dacwad-oogaha ayaa sheegay inay gabdhahaasi ku guda-jireen waxa uu ugu yeeray Fal-dembiyeed, kuna biiri lahaayeen Alshabaab.

Haweenka la soo taagay Maxkamadda oo lagu kala magacaabaa Ummulkheir Sadri Abdalla, Khadija Abubakar Abdulkadir, Maryam Said Aboud iyo Halima Adan Ali waxay si wadajir ah u beeniyeen Dembigii lagu soo oogay.

Dacwad-oogaha waxa uu codsaday inaan la sii daaynin haweenkaasi oo uu xusay inay baxsan karaan.

Waxa kaloo uu ku eedeeyey inay xiriir la lahaayeen Maleeshiyo ku sudan dalalka Syria iyo Sudan, si ay deganaansho la’aan uga abuuraan Kenya.

Dhinaca kale, Garyaqaanadda Eedeysanayaashaasi oo lagu kala magacaabo Xamisi Mawadzogo iyo Jaja Mawita ayaa ka codsaday Dacwad-oogaha inuu keeno caddaymo iyo Muuqaalo muujinaya eedaha loo haysto gabdhahaasi.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories