HomeWararTaliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo...

Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo lagu eedeynayo inuu Koronto siiyey mid ka mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta ee Somalia

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Maxkamadda Milliteriga ee Uganda, ayaa la filayaa in mar kale berrito la soo taago Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM, Sarreeyo Guuto Michael Ondogo iyo La-eedeysane kale oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Sam Kirya oo ahaa Sarkaalkii dhinaca Warfaafinta ee Ciiddankaasi. Wargeyska New Vision ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa qoray in […]

- Advertisement -

Maxkamadda Milliteriga ee Uganda, ayaa la filayaa in mar kale berrito la soo taago Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM, Sarreeyo Guuto Michael Ondogo iyo La-eedeysane kale oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Sam Kirya oo ahaa Sarkaalkii dhinaca Warfaafinta ee Ciiddankaasi.

Wargeyska New Vision ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa qoray in Sarreeyo Guuto Michael Ondogo lagu eedeynayo dhowr dacwo oo ay ugu weyn tahay inuu ku guul-daraystay gudashadda waajibkiisa Ciiddanimo iyo inuu Taliyihii hore ee Ciiddanka Khaaska ee Uganda ee ku sugnaa magaalladda Muqdisho uu siiyey Warbixin been ah oo la xiriirtay halkii ay Dagaalyahannadda Alshabaab kaga sugnaayeen Muqdisho.

- Advertisement -

Sarreeyo Guuto Michael Ondogo iyo Gaashaanle Sare Sam Kirya waxaa kaloo lagu eedeynayaa inay bishii June ee sannadkii 2013-kii  ku guul-daraysteen sidii loo joojin lahaa Koronto Sharci-darro ah oo la siiyey dad ag degganaa Xeradda Tababarka Ciiddamadda ee Jaziira iyo goob ay Shirkadda Isgaarsiinta HORMUUD leedahay, waa sida lagu xusay Eedeymaha oo lagu soo daabacay Wargeyska New Vision.

Dhinaca kale, Baarayaasha Milliteriga Uganda ayaa sheegay in Saraakiishaasi lagu wargeliyey in dad rayid ah si sharci-darro ah u isticmaalayaan  Korontaddii AMISOM , balse ay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan.

Garyaqaanka Labada Eedeysane oo lagu magacaabo Frank Kanduho ayaa ku dooday inaysan jirin dad ka dibadbaxay markii la jaray Korontadaasi sida qaldan loogu gudbiyey dad aan ka tirsan Hawlgalka AMISOM.

Latest stories