HomeWararDr. Xasan Shire:- “Dowladda Federalka waa inay dhowraan xuquuqda Suxufiyiinta iyo dadka...

Dr. Xasan Shire:- “Dowladda Federalka waa inay dhowraan xuquuqda Suxufiyiinta iyo dadka ka shaqeeya Xuquuqda Aadanaha”

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika, Dr. Xasan Shire Sheekh ayaa sheegay inay Suxufiyiinta ku adag tahay amarka ay Dowladda Federalka ka soo saartay magaca ay u bixiyeen Xarakadda Alshabaab. Dr. Xasan Shire oo caawa la hadlay Idaacadda Dalsan, ayaa sheegay in magaca Alshabaab loo yaqaano yahay magac caan ah, oo […]

- Advertisement -

Madaxa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika, Dr. Xasan Shire Sheekh ayaa sheegay inay Suxufiyiinta ku adag tahay amarka ay Dowladda Federalka ka soo saartay magaca ay u bixiyeen Xarakadda Alshabaab.

Dr. Xasan Shire oo caawa la hadlay Idaacadda Dalsan, ayaa sheegay in magaca Alshabaab loo yaqaano yahay magac caan ah, oo ay Maraykanka iyo Dowladaha kale ee Caalamka ugu yeeraan Alshabaab.

- Advertisement -

“Qof kasta magaca u gaarka ah waa in loogu yeeraa” ayuu yiri Dr. Xasan Shire, oo intaasi ku daray in Dowladda Federalka looga baahan yahay inay culayska saaraan dhowrista xuquuqda Muwaadiniinta.

Dhinaca kale, Madaxa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika, Dr. Xasan Shire Sheekh waxa uu Dowladda Federalka ugu baaqay in caburinta laga dhaafo Suxufiyiinta, isla markaana loo madax-banaaneeyo cabirka fikirkooda iyo dhexdhexaadnimadooda.

Waxa uu intaasi ku daray in la dhowro shaqada iyo xorriyadda Saxaafadda, lana joojiyo  xayiraadaha lagu soo rogayo.

- Advertisement -

“Dowladda Federalka, ma qaadi karto mas’uuliyadda Suxufiyiinta iyo dadka u ololeeya Xuquuqda Aadanaha, waxaana la gudboon inay marka hore sugaan ammaanka magaalladda” ayuu yiri Khabiirkaasi u dooda Xuquuqda Aadanaha.

Dhinaca kale,  Madaxa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika, Dr. Xasan Shire Sheekh waxa uu Dowladda Federalka ugu nasteexeeyey in Suxufiyiinta loo oggolaado inay si madax-bannaan u hawlgalaan, isla markaana  sheegaan Wararka Rasmiga ah iyo Dhacdooyinka taagan.

 

Latest stories