HomeWararSarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu tuhmayo inuu ku ...

Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu tuhmayo inuu ku baaqay weerarkii xalay ka dhacay dalka Maraykanka

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

  Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa magaalladda London ee dalka Britain ayaa maanta daabacay War uu ku sheegay in Sarkaal ka tirsan Alshabaab ku baaqay in Walaalaha ku nool Maraykanka kaalintooda ka qaataan weeraradda looga soo horjeeda Shaqsiyaadka aflaagadeeya Nebigeenna Muxumad CSW.   Wargeyska waxa uu qoray in Mohamed Abdullahi Hassan oo ah […]

- Advertisement -

 

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa magaalladda London ee dalka Britain ayaa maanta daabacay War uu ku sheegay in Sarkaal ka tirsan Alshabaab ku baaqay in Walaalaha ku nool Maraykanka kaalintooda ka qaataan weeraradda looga soo horjeeda Shaqsiyaadka aflaagadeeya Nebigeenna Muxumad CSW.

- Advertisement -

 

Wargeyska waxa uu qoray in Mohamed Abdullahi Hassan oo ah Jihaadiste Somali-Maraykan ka tirsan Alshabaab lagu tuhmayo inuu barta Twitterka soo dhigay Farriin horseeday weerarkii xalay lagu qaaday Dhismo ku yaalla magaalladda Garland ee Gobalka Teksas ee dalka Maraykanka oo la doonayey in lagu soo bandhigo Muuqaalo lagu aflagaadeynayo Nebigeenna Muxumad CSW.

 

- Advertisement -

Labo nin oo xalay weerar ku qaatay Bandhigaasi ayaa la dilay, ka hor intaysan dhaawicin mid ka mid ah Ilaaladda Xarunta lagu soo bandhigi lahaa Aflagaadadaasi.

 

Wargeyska waxa kaloo uu qoray in la rumeysan yahay in uu Sarkaalka ka tirsan Alshabaab ee lagu magacaabo Mohamed Abdullahi Hassan uu bishii hore ee April 23-dii soo dhigay Farriin Twitterkiisa, kuna baaqay in la qaado weeraro la mid ah weerarkii lagu qaaday Xarunta Wargeyska Jarlii Hebdo ee Faransiiska oo horey u daaabacay Sawiro lagu aflagaadeeyey Nebigeenna Muxumad CSW.

 

Farriinta Twitterka ee la sheegay inuu Sarkaalkaasi ka tirsan Alshabaab soo dhigay Bartiisa Twitterkiisa ayaa waxa uu ku yiri:- “Walaalaha ka yimid Jarliye Hebdo wey fuliyeen qeybta weerarkooda, waxaa la joogaa waqtigii ay Walaalaha ku sugan Maraykanka fulin lahaayeen Hawshooda”.

 

Wargeyska Daily Mail waxa kaloo uu qoray in Twitterka la soo dhigay Farriintaasi uu lahaa magaca Mujaahid Miski, kaasi oo uu Wargeysku qoray in la rumeysan yahay inuu leeyahay Sarkaalkaas ka tirsan Alshabaab oo lagu naanayso Mujaahid Miski.

Wargeyska Daily Mail waxa uu qoray in Farriibtaasi haatan laga saaray Barat Twitterka, laakiin Baaqa Weerarka in la duubay, lana soo dhigay Maqaal bishii April 27-dii lagu soo qoray  Wargeyska Foreign Policy Magazine ee ka soo baxa dalka Maraykanka.

 

Dhinaca kale, Wargeyska The International Businees Times ayaa daabacay in SarkaalkaMohamed Abdullahi Hassan oo ah Somali Maraykan ka tirsan Xarakadda Alshabaab inuu ku noolaan jirey Goballadda Washington State iyo Minnesota, ka hor inta uusan dalka Maraykanka ka soo ambabixin sannadkii 2008-dii, kuna biirin Xarakadda Alshabaab.

2
1

Links: http://www.dailymail.co.uk/news/article-3066897/It-s-time-brothers-U-S-American-jihadi-allegedly-called-attack-Texas-Muhammad-drawing-contest.html

 

Xigasho:- http://www.dailymail.co.uk/

 

Latest stories