HomeWararHaweeney Somali-Maraykan oo Tababar ku qaadanaysay Akadeemiyaha Boliska oo shaqada isaga tegtay

Haweeney Somali-Maraykan oo Tababar ku qaadanaysay Akadeemiyaha Boliska oo shaqada isaga tegtay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Haweeney Somali Maraykan dhawaan qoratay inay ka mid noqoto Boliska Magaalladda Kolombus ayaa ku gacan-sayrtay amar ka soo baxay Taliyaha Waaxda Boliska oo lagu mamnuucayo inay haweenka masar ama qamaar qaataan. Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Ismaahaan Ciise oo 29-jir ah ayaa sheegtay inaysan Diinta Islaamka u oggolayn inay  bilaa Qamaar ku dhex shaqeyso. Waxay sheegtay […]

- Advertisement -

Haweeney Somali Maraykan dhawaan qoratay inay ka mid noqoto Boliska Magaalladda Kolombus ayaa ku gacan-sayrtay amar ka soo baxay Taliyaha Waaxda Boliska oo lagu mamnuucayo inay haweenka masar ama qamaar qaataan.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Ismaahaan Ciise oo 29-jir ah ayaa sheegtay inaysan Diinta Islaamka u oggolayn inay  bilaa Qamaar ku dhex shaqeyso.

- Advertisement -

Waxay sheegtay inay ku laaban doonto Akadeemiyadda Boliska haddii loo oggolaado inay Xijaabka ku qaadan karto xilliga ay ku guda-jirto hawlaha Boliska.

Taliyaha Boliska ee magaalladda Kolombus ayaa ku gacan-sayray in la beddelo Sharciga si ay Haweenka Muslimiinta ee soo galayo Akadeemiyada loogu oggolaado inay hagoogtaan madaxooda, isla markaana ay xirtaan Labiska asturan.

Dhinaca kale, Duqa magaalladda Kolombas oo wax laga weydiiyey in wax laga beddelo sharcigaasi ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.

- Advertisement -

Hoggaamiyayaasha Jaalliyadda Soomaalida ku nool Gobalka Ohaayo ayaa sheegay inaysan Boliska magaalladda Kolombus marnaba qoranin Sarkaal Somali Maraykan ah.

 

Latest stories