HomeWararGanacsade Soomaaliyeed oo u geeriyooday dhaawac ay u geysteen Burcad Koonfur Afrilkaan...

Ganacsade Soomaaliyeed oo u geeriyooday dhaawac ay u geysteen Burcad Koonfur Afrilkaan ah

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Mid ka mid ah Laba Ganacsato  Soomaali oo ay Burcad Koonfur Afrikaan ah ku gubeen goobahooda ganacsiga ayaa la sheegay inuu u geeriyooday dhaawacii gubashadda ee soo gaaray. Marxuumkaasi oo la oran jirey Ibrahim Rana ayaa la sheegay in 80% jirkiisa wada gubtay, iyadoo lagu daaweynayey Qeybta Daryeelka Gaarka ee Isbitaalka George Mujhari. Marxuumka waxaa […]

- Advertisement -

Mid ka mid ah Laba Ganacsato  Soomaali oo ay Burcad Koonfur Afrikaan ah ku gubeen goobahooda ganacsiga ayaa la sheegay inuu u geeriyooday dhaawacii gubashadda ee soo gaaray.

Marxuumkaasi oo la oran jirey Ibrahim Rana ayaa la sheegay in 80% jirkiisa wada gubtay, iyadoo lagu daaweynayey Qeybta Daryeelka Gaarka ee Isbitaalka George Mujhari.

- Advertisement -

Marxuumka waxaa isaga iyo Ganacsade kale oo magaciisa lagu soo koobay Ismaaciil lagu gubay goobtooda ganacsiga oo ku taalla Deegaanka Soshanguve.

Milkiilaha dhismaha Ganacsiga ayaa u sheegay inay Burcadda dab qabadsiiyeen Dukaanka Soomaalida, ka hor intaysan boobin dhamaan raashinkii, lacagtii iyo Kaararka ku-hadalka ee yiillay Dukaankaasi.

Dhinaca kale, Boliska waxay soo xireen 9 Burcad ah, kuwaasi oo isbuucii hore boobay goobo ganacsi oo ay Soomaalida ku lahaayeen Tuulladda Garoot Drakensten oo u dhow Degmadda Paarl.

- Advertisement -

Tuugadaasi oo  ka yimid Degmadda Mbekwweni ayaa la soo taagay maxkamadda Degmadda Paarl, waxaana lagu soo oogay inay geysteen boob, burburin hantiyeed iyo inay weerareen Ganacsato, kana dhaceen hanta badan.

Wargeyska The Pretorua News  ayaa la sheegay inuu boobkaasi dhacay, kadib, markii uu khilaaf dhex maray Ganacsadaha Soomaaliga iyo dad macaamil u ahaa.

Xigasho:- Pretoria News

Latest stories