HomeWararTahriibayaal ay Somali ku jireen oo la badbaadiyey, laguna xiray dalka Masar

Tahriibayaal ay Somali ku jireen oo la badbaadiyey, laguna xiray dalka Masar

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Sida lagu soo daabacay Wargeyska Yoom Sabca ee ka soo baxa magaalladda Qaahira, waxay Ciiddanka Badda ee dalka Msaar soo badbaadiyeen 31 Muhaajiriin ay ku jireen kuwo Somali ah, kuwaasi oo ay doonidii ay la socdeen ku degtay Xeebta Degmadda Beheyra, kuna dhow Badda Mediterraneanka.

Wargeysku waxa uu qoray inay maydadka saddex qof oo kala ah nin, haweeney iyo cunug yar oo la rumeysan yahay inay Somali yihiin laga soo saaro halka ay doonida ku degtay.

Tahriibayaasha lagu qabtay Xeebaha dalka Masar ayaa waxay ka soo kala jeedaan dalalka Somali, Sudan, Syria, Eritrea iyo Naakhuudihii doonta oo Masaari ahaa, waxaana la sheegay in dadka loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee Qaahira.

Ilaaladda Xeebaha ee dalka Masar waxay dhowr jeer fashiliyeen ama soo qabteen Tahriibayaal badankooda ah Somali, Sudan iyo Masaari, kuwaasi oo toddobaad kasta isku daya inay si sharci-darro ah ugu gudbaan  Galbeedka Lama-degaanka dalka Libya, kadibna ay  ugu sii tahriibaan Xeebaha Talyaaniga.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Msaar oo bishii hore ee April 23-dii ilaa 24-dii qabanqaabisay Shir Caalami ah oo ka dhacay magaalladda loo dalxiis tago ee Sharma-sheekh ayaa waxay Dowladda Masar ugu baaqeen  Dowladaha  ku bahoobay Ururka Midowga Europe “EU”-da in tallaabo mideysan laga qaato sidii loo joojin lahaa qulqulka Tahriibayaasha ku le’anayo Badda Mediterreanka.

Dhinaca kale, Sharci qabyo ah oo looga hortagayo Tahriibayaasha ayaa dhawaan loo gudbin doonaa Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Masar si ay u ansixiyaan.

Sharcigaas qabyadda ah ayaa waxa uu dhigayaa in qofkii lagu qabto Tahriib lagu xukumi doono xabsi u dhexeeya 10 sanno ilaa 20-sanno.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories