HomeWararSoomaalida Maraykanka oo ka wada hadlay sidii loo joojin lahaa Dhallinyaradda...

Soomaalida Maraykanka oo ka wada hadlay sidii loo joojin lahaa Dhallinyaradda ku biira Dagaalamayaasha Daacish

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Iyadoo ay kordhayaan tiradda Dhallinyaradda Somali-Maraykanka ay Hay’addaha Ammaanka u xiraan Eedeymo la xiriira inay ku biirayaan Kooxda Daacish, ayaa waxaa xalay kulan khaas ah yeeshay xubno ka tirsan Hoggaamiyayaasha Jaalliyadda Soomaalida ku nool Gobalka Minesotta.

 

Kulankaasi oo ka dhacay magaalladda Minneapolis ayaa waxay Ergooyinka kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Jaalliyadda iyo sidii loo joojin lahaa Dhallinyarradda loo qoro inay u dagaalamaan Kooxda Daacish.

 

Ka-qeybgalayaasha waxay kaloo ka hadleen sidii wax looga bedeli lahaa Aragtida qaldan ee laga qabo Soomaalida ku nool Maraykanka iyo sidii loo horjoogsan lahaa Dhallinyaradda ka ambabaxda Magaallooyinka Mataanaha si ay uga soo dagaalamaan Waddamadda ka baxsan Baddaha (Overseas countries).

Ku-xigeenka Agaasimaha Kooxda Global Somali, Sadiiq Warfaa ayaa sheegay in ammaanka iyo nabadda Maraykanka muhiim u tahay dadka Somali-Maraykanka.

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yhaay inay Jaalliyadda Soomaalida dib u bilaabaan Wada-Tashiyo dhexdooda ah, si loo gaaro Xal Kama-dambays ah.

 

Sadiiq Warfaa waxa uu ka shanqariyey inay aad uga walaacsan yihiin shaqo la’aanta dhallinyaradda iyo waxbarashadda, wuxuuna xusay inay taageero ka geysteen sidii loo xalin lahaa dhibaatooyin kale.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories