HomeCiyaarahaHoryaalkii 22-aad ee Kubadda Miiska oo Muqdisho ka bilowdey + sawiro

Horyaalkii 22-aad ee Kubadda Miiska oo Muqdisho ka bilowdey + sawiro

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa shalay magaalada Muqdisho si rasmiya uga biloowdey Horyaalkii 22-aad ee Kubadda Miiska (Table Tennis) kaasi oo ay soo agaasimeen Masuuliyiinta XSKM,iyadoo xafladii furitaanka ay kasoo qeybgaleen Cayaaryahanada tartameysa iyo taageerayaashooda. Tartanka Horyaalka furitaankiisa ka sokoow Masuuliyiinta Xiriirka Miiska waxaa kaloo Goob joog u ahaa Cayaaryahano hore oo Kubadda Miiska iyo Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) […]

- Advertisement -

Waxaa shalay magaalada Muqdisho si rasmiya uga biloowdey Horyaalkii 22-aad ee Kubadda Miiska (Table Tennis) kaasi oo ay soo agaasimeen Masuuliyiinta XSKM,iyadoo xafladii furitaanka ay kasoo qeybgaleen Cayaaryahanada tartameysa iyo taageerayaashooda.

Tartanka Horyaalka furitaankiisa ka sokoow Masuuliyiinta Xiriirka Miiska waxaa kaloo Goob joog u ahaa Cayaaryahano hore oo Kubadda Miiska iyo Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) oo katirsan GOS isla markaana ah Madaxa Gobolada ee Olombikada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku-xigeenka Xiriirka Kubadda Miiska ahna kusimaha Gudoomiyaha C/laahi Ciise Cali oo sharaxay in XSKM ay isku howlaan sanad waliba iney qabtaan tartamadii kala gedisnaa,iminkana ay Horyaalkii sanadka 2015- ay u joogaan,isagoo sheegay in 5 kooxood ay sanadkan ka qeybgalayaan horyaalka.

Ibraahim Roombo oo GOS ka socdey ayaa Xiriirka Kubadda Miiska ku amaanay iney kasoo dhalaalaan arimaha tartamada iyo ka qeybgalka shirarka ka dhaca dalka dibadiisa,sidaasi darteed GOS ay ku hambalyeyneyso howsha Sporti ee ay hayaan,wuxuuna ku dhawaaqay in Tartankii horyaalkii 22-aad si rasmi ah u furan yahay.

Waxaa kadib halkaasi lagu cayaaray Kulamo Keli keli iyo kooxeysi oo ay dhamaan shanta koxood halkaasi isku reebeen,yadoo la filayo in 4-ta bisha la qaban doono cayaarta kama danbeyta iyo xafladii xeritaanka insha allaah.

- Advertisement -

S/Qaade: Xuseen Maxed Hadafow

DABCEF

Latest stories