HomeWararDanjire Ali Ameriko:- “Guul ayaa laga gaaray faragelinta ay Milliteriga Kenya...

Danjire Ali Ameriko:- “Guul ayaa laga gaaray faragelinta ay Milliteriga Kenya kula dagaalamayaan Xarakadda Alshabaab

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ambassador Mohamed Ali Nuur “Ameriko” oo ka mid ah Rug-caddaayaasha Diplomaasiyadda Somalia ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Standard Media ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna tilmaamay in ay Ciiddanka Kenya iyo kuwa AMISOM ka taageereen Ciiddanka Qaranka ee Somali National Army sidii loogu guuleysan lahaa dagaalka lagula jiro […]

- Advertisement -

Ambassador Mohamed Ali Nuur “Ameriko” oo ka mid ah Rug-caddaayaasha Diplomaasiyadda Somalia ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Standard Media ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna tilmaamay in ay Ciiddanka Kenya iyo kuwa AMISOM ka taageereen Ciiddanka Qaranka ee Somali National Army sidii loogu guuleysan lahaa dagaalka lagula jiro Xarakadda Alshabaab.

Ambassador Ali Ameriko, waxa kaloo uu xusay haddii la wadaago Wararka Sirdoonka in laga hortegi karo qorshooyinka ay Alshabaab ku doonayaan inay weeraro kaga geystaan dalalka Somalia iyo Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Ambassador Mohamed Ali Ameriko oo muddo 7 sanno Danjire ka ahaa dalka Kenya ayaa wax laga weydiiyey waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu xaqiijiyey muddadii uu xilkaasi hayey, wuxuuna sheegay inuu horumariyey Ganacsiga Somalia iyo Kenya iyo inay Diyaaradaha Caalamiga, siiba Shirkadda Turkish Airlines duullimaadyo ku tagaan Madaarka Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku daray inuu rajeynayo inay Shirkadda Kenya Airways ku soo biiri doonaan Diyaaradaha taga Muqdisho iyo magaallooyinka kale ee Somalia.

Ambassador Ali Ameriko waxa kaloo uu tilmaamay inay guul ballaaran tahay inuu Calanka Somalia ka dul-babanayo dhismaha Safaaradda Somalia ee magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey waxa uu u sheegi karo dadka Kenyaatiga waxa uu Ambassadorka sheegay inaan Soomaalida oo dhan lala xiriirinayey  weeraradda ay Alshabaab  ka geystaan Kenya.

Waxa kaloo  uu tilmaamay inay Somalia iyo Kenya leeyihiin caddow isku mid ah, loona baahan yahay in si mideysan loola dagaalamo, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale,  waxaa wax laga weydiiyey Hankiisa Madaxweyninimo  ee ku aadan  Doorashadda Madaxtinimadda ee Somalia ka dhici doonta sannadka soo socda, waxa uu ku gaabsaday inuu doonayo inuu noqdo Ambassadorka Nabadda “to be a peace ambassador”

 Xigasho:- The Standard Media

Latest stories