HomeWararMadaxweynaha oo dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland kaga soo qeybgaley shirkii labaad ee Madasha Wadatashiga ee madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada. Shirkaasi oo ay ka soo qeybgaleen madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Jubba iyo Koonfuur […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland kaga soo qeybgaley shirkii labaad ee Madasha Wadatashiga ee madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Shirkaasi oo ay ka soo qeybgaleen madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Jubba iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu gorfeeyay arrimo ay ka mid yihiin Hiigsiga 2016, Cahdiga cusub, dhismaha iyo isku dhafka ciidammada qaranka, qeybsiga kheyraadka iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, Yemen iyo dalalka kale ee caalamka.

- Advertisement -

Madaxda ayaa shirka kadib ka soo saarey war murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo mustaqbalka Soomaaliya la xiriira.

Madaxweynaha oo socdaalkiisu uu qaatey muddo shan maalmood ah, ayaa waxaa garoonka diyaaradaka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole.

-DHAMMAAD-

- Advertisement -

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Latest stories