HomeWararRW Cumar Cabdirashiid oo Ugu Hambalyeeyay Shacabka Maalinta Shaqaalaha Adduunka

RW Cumar Cabdirashiid oo Ugu Hambalyeeyay Shacabka Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Camar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa u diraya Hambalyo ku aadan maalinta Shaqaalaha Aduunka, dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Maalinta shaqaalaha aduunka ayaa la asteeyey 1, May, 1904-tii in ay noqoto maalin ay shaqaalaha aduunku u dabaal dagaan, muujiyaan xuquuqdooda, lana qaybsadaan farxada qoysaskooda iyo asxaabtooda. “Maalinta Shaqaaluhu waa maalin caalami ah […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Camar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa u diraya Hambalyo ku aadan maalinta Shaqaalaha Aduunka, dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan,

Maalinta shaqaalaha aduunka ayaa la asteeyey 1, May, 1904-tii in ay noqoto maalin ay shaqaalaha aduunku u dabaal dagaan, muujiyaan xuquuqdooda, lana qaybsadaan farxada qoysaskooda iyo asxaabtooda.

- Advertisement -

“Maalinta Shaqaaluhu waa maalin caalami ah oo aduunka dhan  looga dabaal dago, waa maalin la xuso guulaha ay soo hoyiyeen ururrada shaqaalaha; waana maalin lagu xuso halganka ay shaqaaluhu ugu jiraan iney bulshooyinkooda ka saaraan fakhriga.Waxaan halkaan ugu hambalyeeynayaa dhamaan shaqaalaha dowaladda iyo kuwa rayidka ah oo isugu jira rag iyo haween, waxaanna ku amaanayaa howl-karnimada ay muujiyeen iyo dadaalkooda ku aadan iney horumar gaarsiiyaan bulshadooda” ayuu yiri RW Cumar.

Waxaa kale oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay iney ka go’an tahay xukuumadiisa in shaqo loo abuuro dhalinyarada ka qalin jabisay jaamacadaha, xirfadlayda iyo xoogsatada Soomaaliyeed.

“Kal fadhigii golaha wasiirada ee dhacay  khamiistii la soo dhaafay waxaa lagu ansixyey sharciga lagu dhaqayo shaqaalaha ajaanibta ah ee ka howlgala dalka, waxaa sharcigaas qeexayaa in dadka ajaanibta ah aysan dalka ka shaqayn karin iyagoon haysan ruqsado shaqo, islamarkaan aysan qaban karin shaqo xirfadeed qof Soomaali ah uu qaban karo, taas macanaheedu waxaa weeye in mudnaanta la siiyo dadka Soomaaliyeed oo shaqo la’aantu hayso, siyaasada xukuumadu waa in loo abuuro shaqooyin aqoon yahanka iyo xirfadlayda Soomaaliyeed” ayuu yiri RW Cumar

- Advertisement -

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dhalinyaradu ay yihiin lafdhabartii dalka, loogana fadhiyo iney qayb muhiim ah ka qaataan dib u dhiska dalka, ogaadaana wadan kasta oo gaaray horumar iney hormuud u yihiin dhalinyaradiisa.

“Dhalinyaradu waa mustaqbalkii dalkaan, shucuub kasta oo ku tilaabsatay horumar dhaqaale iyo mid siyaasadeed waxaa laf-dhabar u ahaa dhalinyaradiisa, waana inaan meel uga soo wada jeedsanaa sidii dalkaan aan uga dhigi lahayn mid amaan ah, oo noo saamixi kara iney yimaadaan shirkado maalgashi ku sameeysta, si dhalinteena loogu abuuro shaqooyin”ayuu yiri RW Sharmarke

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ugu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay iney xil weyn iska saaran sidii shaqo ugu abuuri lahaayeen Ardayda ka qalin jabisay Jaamcadaha isla markaan dadka shaqaalaha u ah ugu diyaarin lahaayeen goobo caafimaad ahaan  iyo baadbaada ahaan ku haboon in lagu shaqeeyo, si looga baaqsado ineysan
dhibaatooyin  soo gaarin shaqaalaha  xiliyada ay shaqada ku guda
jiraan.

—DHAMAAD—-

Latest stories