HomeWararSiyaasiyiinta Mudulood iyo Nicholas Kay oo ka wada hadlay Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe...

Siyaasiyiinta Mudulood iyo Nicholas Kay oo ka wada hadlay Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan+Dhageyso

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Siyaasiyiin ay hoggaaminayeen Ra’isul-wasaarayaashii hore ee Dowladihii KMG, Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Kornel Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Mudulood ayaa waxay Kulan Khaas ah la yeesheen Ergayga Khaaska ee QM ee Arrimaha Somalia, Nicholas Kay. Kulankaasi oo shalay ka dhacay magaalladda Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe […]

- Advertisement -

Siyaasiyiin ay hoggaaminayeen Ra’isul-wasaarayaashii hore ee Dowladihii KMG, Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Kornel Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Mudulood ayaa waxay Kulan Khaas ah la yeesheen Ergayga Khaaska ee QM ee Arrimaha Somalia, Nicholas Kay.

Kulankaasi oo shalay ka dhacay magaalladda Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan iyo Aragtida Beesha Mundulood ee ku aadan qaabka loo dhisayo Maamulkaasi iyo Meekhaamka magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Muxiyaddiin Xasan Cali “Darbo-weyne” oo ka mid ah xubnihii ka qeyb galay Kulankaasi ayaa  waxa uu Idaacadda Dalsan uga waramay qoddobadii laga hadlay iyo natiijooyinkii ka soo baxay shirkaasi.

“Waxaan Nicholas Kay u bandhignay deegaannadda ay Beesha Mudulood deggaan iyo Kaalinta ay kaga jiraan Isu-keenidda iyo Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Darba-weyne oo intaasi ku daray inay Beesha Mudulood deggaan dhul ballaaran oo ka tirsan Goballadda dalka Somalia.

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo waxa uu xusay inay Beesha Mudulood degaan ilaa Kismaayo  iyo qeybo ka mid ah Gobalka Galgaduud.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey qorshaha Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan, waxa uu tilmaamay in la isku af-gartay Dhismaha Maamulkaasi, iyadoo asaas looga dhigayo dadka deegaanka.

Waxa kaloo uu xusay inay Nicholas Kay u sheegeen inaysan oggolaan doonin in Maamulka cusub ee Labadaasi Gobal ka mid noqdaan Beelaha kale  ee  horey Maamul-gobaleedyo uga soo dhistay deegaannadooda.

“Ma oggolaan karno Nidaamka Kula lihi Gobalkaaga, Kaygana waa ii gaar” ayuu yiri Muxiyaddiin Darba-weyne.

Dhinaca kale, Mas’uulkaasi waxa uu tilmaamay inuu Nicholas Kay garwaaqsaday arrintaasi, soona dhaweeyey, isla markaana sheegay inay Beesha Calaamka goobjoog ka noqon doonaan Dhismaha Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Latest stories