HomeWararDowladda Kenya oo lagu eedeeyey dad lagu la’ yahay Gobalka W/bari oo...

Dowladda Kenya oo lagu eedeeyey dad lagu la’ yahay Gobalka W/bari oo ku dhow xuduudka Somalia.

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

In ka badan 10 Mudane Barlamaan oo uu horkacayo Xildhibaanka laga soo doorto Deegaanka Balambal, Abdikadir Omar ayaa ku eedeeyey Dowladda Kenya inay  ka dambeeyso dad lagu la’ yahay Gobalka W/bari.

Dadkaasi ayaa la sheegay inay Ciiddanka Ammaanka qabteen wixii ka dambeeyey Weerarkii ay Alshabaab bishan April 2-dii ka geysteen Jaamacadda Garissa, oo lagu idlay in ku dhow 150-qof.

Mudanahaasi waxay kaloo sheegeen inay Ciiddanka Ammaanka ay dad badan kala baxeen guryahooda, balse aan mar kale dib loo arkin raqdooda iyo ruuxood midnaba.

Xildhibaan Abdikadir Omar waxa uu tilmaamay inaysan Dowladda kula dagaalami karin Alshabaab iyadoo ay dadka iska xiraan, kadibna la waayo halka ay ku dambeeyeen.

Waxa uu tilmaamay inaysan Ciiddanka Kenya haysanin  Oggolaansho sharci ah oo ay dadka isaga xiri karaan, wuxuuna ku baaqay in dadka la xiro la soo maxkamadeeyo, oo aysan noqonin kuwo aan muuqooda dib loo arkin.

Dhinaca kale, Xildhibaanad Fatuma Ibrahim oo laga soo doortay Degmadda Wajeer ayaa sheegtay in 9 qof oo la la la’aa maydadkooda laga helay bulaacadda biyaha ee Garissa.

Waxay sheegtay inay tuhunsan tahay in boqolaal qof oo la la’ yahay in maydadkooda la raacsiiyey  Togga ay biyaha maraan ee  Wajeer.

Xildhibaanadda waxay ugu baaqday Hay’addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha inay ku baraarugaan Tacadiyadda ka socda Wajeer, waxayna dhinaca kale kula talisay Dowladda Kenya inay Odayaasha Gobalka W/bari kala shaqeeyaan sugidda ammaanka iyo La-dagaalanka Alshabaab.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories