HomeWararMadaxweynaha oo si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Garoowe

Madaxweynaha oo si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka degey magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland, isagoo ka qeybgeli doona shirkii labaad ee Madasha Wadatashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada kala ah Puntland, Jubba iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka kooban xubno ka tirsan labada gole […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka degey magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland, isagoo ka qeybgeli doona shirkii labaad ee Madasha Wadatashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada kala ah Puntland, Jubba iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka kooban xubno ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa si diiran garoonka ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali iyo kumanaan qof oo safnaa garoonka iyo waddooyin ka magaalada.

- Advertisement -

Shirkan labaad ee Madasha Wadatashiga ayaa daba jooga kii koowaad ee horey loogu qabtey magaalada Muqdisho bishii February ee sannadkan, kaas oo ay ka soo baxeen go’aamo la xiriira xoojinta kulamada wadatashiga, hiigsiga 2016, Cahdiga Cusub, isku dhafka ciidammada iyo arrimo kale oo khuseeya qaranimada dalka.

Madasha Watashiga ayaa la asaasay bishii Febraayo ee sannadkan 2015, markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Muqdisho ku casuumey madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali ,Jubba, Axmed Maxamed Islaan iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka beri furmaya ka sokow waxaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ay xarunta madaxtooyada maamulka Puntland kulan wadatashi ah kula yeesheen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland iyo, mas’uuliyiin kale oo maamulkiisa ka tirsan.

- Advertisement -

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

unnamed

unnamed  21

unnamed  18

unnamed  6

unnamed  15

IB0A7039  1

Latest stories