HomeWararDowladda Uganda oo diyaarisay Kayd-xogeed lagula soconayo Qaxootiga ay ku jiraan Soomaalida...

Dowladda Uganda oo diyaarisay Kayd-xogeed lagula soconayo Qaxootiga ay ku jiraan Soomaalida ee ku nool dalkaasi

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Hadal ka soo baxay Dowladda Uganda ayaa lagu sheegay inay  diyaariyeen Kayd-dhexe oo lagu diiwaan gelinayo xogaha Qaxootiga, gaar ahaan sawiradooda, Dukumentiyadooda, Cinwaanadda goobaha ay deggan yihiin, dadka ay ehelka yihiin iyo in qaxootiga laga qaado astaamaha gacmaha.

 

Wasiirka Uganda ugu qaabilsan Arrimaha Samafalka iyo Masiibooyinka, Hillary Onek ayaa sheegay in qaabka Kaydinta Xogta Qaxootiga la hubin doono, loona isticmaali doono adeegyadda Kaalmooyinka la siiyo Qaxootiga ku nool gudaha Uganda.

Waxa uu intaasi ku daray inay Nidaamkan cusub taageero ka geysan doonto Ammaanka Qaranka, marka ay khataro soo wajahaan Qaxootiga iyo Muwaadiniinta Uganda.
Wasiirka waxa uu carrabka ku dhuftay inay lama huraan noqotay in Qaxootoga laga qaado Iskareen iyo Xogag Kaydsan, wuxuuna sheegay inay jiraan qaxooti u shaqeeya sida Argagixisadda oo kale.

Dhinaca kale, Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Eshter Kiragu ayaa soo dhaweysay Nidaamka Cusub ee lagu diiwaan-gelinayo Qaxootiga ku nool dalka Uganda, iyadoo xustay inay tallabadaasi ka taageerayso Qaxootiga tan iyo marka ay dib ugu laabanayaan dalalka ay ka soo kala jeedaan.

Waddanka Uganda waxa uu martogeliyey  Qaxooti tiradoodu dhan tahay 453,034 qof oo badankooda u kala dhalashay dalalka Somalia, Sudan, Eritrea, Kenya, Ethiopia, Congo, Rwanda iyo Burundi.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories