HomeWararSoomaali lagu eedeeyey inay lacago u xawileen waxa loogu yeeray Unug Argagixiso...

Soomaali lagu eedeeyey inay lacago u xawileen waxa loogu yeeray Unug Argagixiso oo lagu xiray Mombasa

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Saraakiil ka tirsan Waaxda La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ayaa lagu soo waramay inay saddex Ganacsato Soomaali ah ku xireen magaalladda Mombasa, kuwaasi oo haystay xaddi badan oo Lacagaha Dollarka, Shillinka Kenya iyo kuwa Uganda. Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Mahad Cumar, Saciid Suufi, Amiin Maxamed iyo Shariif Cabdiraxmaan laga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Waaxda La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ayaa lagu soo waramay inay saddex Ganacsato Soomaali ah ku xireen magaalladda Mombasa, kuwaasi oo haystay xaddi badan oo Lacagaha Dollarka, Shillinka Kenya iyo kuwa Uganda.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Mahad Cumar, Saciid Suufi, Amiin Maxamed iyo Shariif Cabdiraxmaan laga soo qabtay labo dhismo oo ku yaalla Mombasa.

- Advertisement -

Sarkaal ka tirsan Waaxda Boliska Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ayaa sheegay in Eedeysanayaasha lahaayeen Goobo Ganacsi iyo Xawaalad aan sharci lahayn.

Waxa uu intaasi ku daray in Eedeysanayaasha lagu tuhunsan yahay inay Xawaaladda ku maalgeliyaan waxa loogu yeero Argagixisadda.

Taliye-xigeenka Boliska Mombasa, James Kithuka ayaa xaqiijiyey in Ganacsatadaasi Soomaalida ah la xiray, isla markaana ay Boliska weli ku hawlan yihiin baaritaankooda.

- Advertisement -

Xawaaladaha Soomaalida ee ka hawlgala gudaha Kenya ayaa lagu soo rogay xayiraad, kadib, markii ay Dowladda Kenya ku eedeysay inay taageeraan Hawlgalladda Xarakadda Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

Sidoo kale, Ammaanka dalkaasi ayaa aad loo adkeeyey, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishan 2-dii weerareen Jaamacadda Garissa, laguna dilay 148-qof.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts