HomeWararRaila Odinga: “Saraakiil ayaa Alshabaab ka taageera shixnadaha sonkorta ee laga...

Raila Odinga: “Saraakiil ayaa Alshabaab ka taageera shixnadaha sonkorta ee laga soo daabulo Somalia”

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Raila Odinga ayaa ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta in  la soo horumariyo Doorashadda Guud ee lagu waday in la qabto sannadka 2017-ka. Waxa uu tilmamaay inay  Dowladda ku fashilantay inay wax ka qabtaan Ammaanka iyo Musuqa hareeyey Nidaamka Dowladnimadda. “Siyaasiyiin iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Sirdoonka iyo Hay’addaha Ammaanka Kenya ayaa oggolaaday dhoofinta dhuxusha […]

- Advertisement -

Raila Odinga ayaa ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta in  la soo horumariyo Doorashadda Guud ee lagu waday in la qabto sannadka 2017-ka.

Waxa uu tilmamaay inay  Dowladda ku fashilantay inay wax ka qabtaan Ammaanka iyo Musuqa hareeyey Nidaamka Dowladnimadda.

- Advertisement -

“Siyaasiyiin iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Sirdoonka iyo Hay’addaha Ammaanka Kenya ayaa oggolaaday dhoofinta dhuxusha iyo sonkorta” ayuu ku yiri Raila Odinga qoraal uu bishan 25-dii ku soo diray E-mail.

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta si xooggan u qaato arrintaasi, isla markaana uu ku dhawaaqo in la qabto doorasho cusub, iyo in dalka Kenya laga badbaadiyo burburka.

Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD, Raila Odinga waxa uu tilmaamay inay Saraakiil aan la magacaabin inay Alshabaab taageero ka siiyaan Sonkorta sida qarsoodiga loogu soo gudbiyo gudaha dalka Kenya.

- Advertisement -

Odinga waxa uu saddex jeer ku guul-daraystay inuu Madaxweyne ka nodo dalkaasi waxa kaloo uu ku eedeeyey Saraakiishaasi inay  taageeraan ganacsiga dhuxusha ee sida sharci-darradda uga socota Deegaanadda ay Ciiddanka Kenya kaga sugan yihiin gudaha dalka Somalia.

Dhinaca kale, Afhayeenka Madaxweynaha Kenya oo lagu magacaabo Manaoh Espisu ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo Eedeymaha uu Rails Odinga  soo jeediyey.

Bilowgii bishan, Madaxweynaha Kenya waxa uu xilkii ka qaaday shan Wasiir oo lagu soo eedeeyey musuq iyo xil-gudasho la’aan.

 

Latest stories