HomeWararNin ka tirsan shaqaalaha Barlamaanka Kenya oo lagu soo oogey inuu qarxin...

Nin ka tirsan shaqaalaha Barlamaanka Kenya oo lagu soo oogey inuu qarxin lahaa dhismaha Barlamaanka

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Boliska Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku hdigeen Nin ka mid shaqaalaha Senedka Kenya, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu qarax ka geysto Dhismaha Barlamaanka dalkaasi.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Ali C/majiid ahna Ku-xigeenka Madaxa Guddiga maamulka ee Masjidka Pumwani Riyadh Mosque ayaa horey loogu eedeeyey inuu ku lug lahaa dhaqdhaqaaqyo lagu taageerayo Xarakadda Alshabaab, waa sida ay Boliska Kenya shaaciyeen.

Ali C/majiid ayaa la sheegay inuu in ku dhow 10-sanno ka shaqeynayey Barlamaanka Kenya.

Qoyska Eedeysanahaasi ayaa sheegay inuu ku xiran yahay Saldhigga Boliska Kilimaani.

Xarigiisa ayaa yimid, kadib, markii ay Boliska ka digeen inay Alshabaab qorsheynayaan qaraxyo ay ka geystaan Dhismaha Barlamaanka Kenya.

Dhinaca kale, Taliyaha Saldhigga Dhexe ee Boliska Kenya, Paul Wanjama ayaa horey uga digay  inay Alshabaab qorsheynayaan inay weeraro la beegsadaan Dhismaha Barlamaanka Kenya, Suuqa Muthurwa, JaamacaddaThe University of Nairobi iyo Kaniisadda Pentecoastal Church.

Sida lagu soo daabacay Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, Warbixin ay heleen Saldhigga Boliska Barlamaanka ayaa lagu sheegay in ay Alshabaab rag sirdoon ah u soo direen, si ay u fuliyaan weeraradaasi, waa sida lagu xusay Warbixinta.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories